Xukuumadda oo muddaysay Xilliga Rasmiga ah ee uu Garoonka Diyaaradaha Ceerigaabo ka Bilaabmi Doono Duulimaadka Diyaaraduhu

0
413

Ceerigaabo (Dawan) Haayada duulista iyo madaarada Somaliland ayaa saaka calaamadeeyay dhammaanba xadka garoonka diyaaradaha ee magaalada Ceerigaabo oo noqday 7-km oo isku wareega.

Maareeye Cumar Sayid, waxa uu  sheegay in 01 May 2022 diyaarada u horaysa ka soo degi doonto.

Haddii dhismaha garoonkani noqdo mid hirgala waxa uu wax weyn ka tari doonta fududeynta  imaanshiyaha bulshada ee guda iyo dibedba.

Cumar Cabdillaahi Aadan maareeyaha hay’adda duulista iyo madaarada Somaliland isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Gobolka Sanaag madaxdiisa iyo shacabkiisuba inay maanta diyaar u yihiin inay horumarka Jamhuuriyadda Somaliland kaalinta koobaad ka galaan.

Sida ay isugu duuban yihiin ayaan uga mahad celinayaa sida horumarka diyaarka ugu yihiin ayaan uga mahad celinayaa, sida ay xadaynta madaarka noogala shaqeeyeen iyaga iyo dadweynahooduba ayaan uga mahadcelinayaa.

Maanta waxa inoo soo gaba-gaboobay xadayntii garoonka diyaaradaha ee magaalada Ceerigaabo, ahna 7-km oo isku wareega waxaanu noqon doona garoon diyaaradeed oo maxaliya aad iyo aadna dhab ahaanti u wanaagsan, Meesha dhabadiisu ka sameysmaysaana aad iyo aad ayay u fiican tahay.

Anagu ka hay’ad duulis ahaan halkan umaan iman in aanu garoonka oo kaliya xadayno, waxa aanu qorshaynay in 1 May 2022 diyaarada u horraysa ka soo fadhiisato,”

May be an image of 4 people and outdoors

May be an image of 5 people, people sitting, people standing and outdoors

May be an image of 6 people, people standing and outdoors

May be an image of 5 people and outdoors

May be an image of 4 people and outdoors

 

Leave a Reply