Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Billawday Olole lagu Bannaynayo Waddada Wadnaha ee Hargeysa.

0
303

Hargeysa (Dawan) – Dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa ayaa maanta billawday olole lagu bannaynayo waddada wadanaha ah ee badhtamaha caasimadda Hargeysa, hawlgalkan ayay ku tilmaantay dawladda hoose in lagu yaraynayo saxmadda magaalada isla markaana kor loogu qaadayo bilicda caasimadda.

Ololahan waddo bannaynta ah oo ay dawladda hoose ee Hargeysi ay ka fulisay inta u dhaxaysa saldhiga dhexe ee Hargeysa illaayo musijaamaca ayaa waxa lagu raray ganasiyada yaryar ee waddada hareeraheeda ku yaallay, kuwaasoo ay sheegtay dawladda hoose ee Hargeysi inay ahaayeen 204 meheradood.

Maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa ahna ku simaha Maayarka Khadar Axmed Cumar oo hoggaaminaayay hawlgalkan lagu bannaynayo waddada halbawlaha ee Caasimadda Hargeysa ayaa u mahadceliyay shacabkii iyo ganacsatadii deganayd hareeraha waddadaasi, oo uu sheegay in si wanaagsan ay ugala shaqeeyeen sidii waddadaasi loo bannayn lahaa, isagoo tilmaamay in mustaqbalka dhaw ay casriyayn ku samaynayaan waddadaasi.

Maayir ku xigeenka caasimadda Hargeysa iyo hawsha waddo bannaynta tixraacaan ka daawo.

Leave a Reply