Xukuumada Somaliland oo Abuuraysa Ciidamo u Gaar ah Dabar-goynta Mukhaadaraadka

0
362

Qore: Walaaleeye

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamad Kaahin Axmad ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay sameynayso hoggaanka la dagaalanka Maandooriyaha, isaga oo sheegay in mukhaadaraadku uu dhibaato ku hayo deegaanada dalka.

“Waxaan wadnaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Ciidanka Booliiska in la abuuro oo la balaadhiyo hoggaanka la dagaalanka mukhaadaraadka maandooriyaha, oo xilligan-ba si weyn loola dagalamo, laakiin ciidan si gaar ah loogu tababaro iyo qalabkii ay ku hawlgeli lahaayeen ayaan samanyn doonaa.

Md Kaahin ayaa boggaadiyey sida ciidanka booliisku ugu guulaysteen la dagaalanka dhammaan mukhaadaraadka sida khamriga, xashiishada iwm, isagoo ka hadlayey munaasibadda Booliiska JSL ayaa tilmaamay in shilalka badan ee dhaca loo nisbaynayo badashada dadka mukhaadaraadka maandooriyaha isticmaala.

Wasiir Kaahin ayaa shacabka ka dalbaday inay ciidanka booliska ku garabsiiyaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadka ka ganacsada maandooriyaah ee deegaanada Soomaaliland, isagoo yidhi, “Waxaan ka codsanayaa shacabka inay la shaqeeyaan ciidanka booliiska, oo ogaadaan in saldhigu iyaga u shaqeeyo, waxii warbixino ahna keenaan.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Maxamed ayaa u digay dadka ka horimanaya ciidanka booliiska marka ay waajibaadkooda ilaalinta amaanka gudanayaan, isla markaana ku tilmaamay inay yihiin tuugta, dadka khamriga caba, qaran-dumiska, nidaam-diidka, isla markaana ay dhibayso raacitaanka nidaamka, isagoo sheegay “Dad dawlada ka soo horjeeda ayaa u haysta in ciidanka booliiska dawladu leedahay, sidaana kula dagaalamayaan.

Leave a Reply