Urur Mideeyay Baananka Gaarka loo Leeyahay

0
317

Qore Khaddar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay ka qayb-galay furitaanka urur ay ku midaysan yihiin Baananka gaarka loo leeyahay ee ka hawl gala dalkan Somaliland.

Ururkan ay ku midaysan yihiin baananka shirkadaha gaarka loo leeyahay oo dhawaan la aasaasay ayaa shalay na si rasmi ah loogu dhawaaqay, waxaana guddoomiyaha ururkaasi loo doortay Khaliif Cumar Nuur.

Daah-furka ururkaasi waxaa ka soo qayb galay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, wasiirka wasaaradda maalgashiga iyo Somaliland, guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland.

Maamuleyaasha iyo madaxda shirkadaha iyo baananka gaarka loo leeyahay ee ka hawl galla Somaliland, guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo hadal ka jeediyay furitaanka ururkaasi ayaa soo dhaweeyay in baananka gaarka loo leeyahay ururkani samaystaan, kaasoo uu ku tilmaamay mid loo baahnaa, isla markaana ka mid ah korriinka iyo horumarka dhaqan dhaqaale ee ay hiigsanayso Somaliland.

Waxaanu sheegay in weli aanay bulshadu fahamin muhiimadda ay baananku leeyihii, iyadoo halkii ay lacagtoodda dhigan lahaayeen baananka ama in ay mashaariic horumarineed ku maalgeliyaan in ay geliyeen in ay dhul ku iibsadaan.

Arrintaasi oo uu sababteedda ku tilmaamay madaxweyne ku-xigeenku in ay dadkeenna ay aqoon la’aani ka hayso addeegisga iyo isticmaalka baananka iyo faa’iidadda ay u leedahay.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa intaas raaciyay inaqoon la’aanta mujtamaceenna oo aan fahamsanayn sidii ay u abuurri lahaayeen fursado badan oo wadankeena yaalla oo aynu inagu ku fikirno in ay dad dibadda ka imanayaa maalgeliyaan.

Waxaanu sheegay in haddii ay bulshadeenu fahmi lahaayeen faa’iidadda ku jirta in ay lacagaha dhigtaan baananka ama ay mashaariic horumarineed ku maalgeliyaan in lacagta wadankeenna taallaa ay wax badan ka tari lahayd maalgelinta haddii loo hello dadkeedii.

“Waynu og nahay, oo dadkeenu halkii ay ka isticmaali lahaayeen baananka, waxay lacagtoodii gashaa oo ummadeenii halkii ay lacagtoodii baananka ku aamini lahaayeen, ama mashaariic ku qaban lahaayeen in aanay fahamsanayn, oo ay aqoon la’aani ka hayso, in wexeenii ba aynu dhul gelinay. Waana ta la yidhaahdo hanti dhimatay (died capital).

Dadkeenii waxay aamineen in ay lacagtoodii dhul geliyaan. Iyadoo mushkiladda keliya ee ina haysata, ee la isku dilayaa na ay tahay muranka dhulka. Lacagta maanta dhulka inagaga jirtaa, inta baananka la dhigtay boqol jeer laab ayay ka badan tahay.

Taasina waxay tahay aqoon la’aanta mujtamaceenna, oo aan fahamsanayn sidii ay u abuurri lahaayeen fursado badan oo wadankeena yaalla, oo aynu inagu ku fikirno in ay dad dibadda ka imanayaa maalgeliyaan. Lacagta wadankeenna taallaa wax badan bay maalgelinaysaa, haddii loo hello dadkeedii”.

C/raxmaan Saylici, ayaa ku booriyay ururkan ay ku midaysan yihiin baananka gaarka loo leeyahay in ay ka shaqeeyaan in dadka la tusno in ay fursado jiraan oo ay maalgashan karaan dalka, isla markaana marka meel la isugu geeyo lacagaha ay dadku haystaan in ay wax badan ka tarayso horumarinta dhaqaalaha dalka.

“Waxaa markaa looga baahan yahay qolooyinka baananka furtay iyo wasaaradda maalgashiga, iyo wasaaradda ganacsiga iyo haayadaha kale ee ku shaqadda leh ba, bal in aynu dadka tusno, fursado in ay jiraan, oo ay maalgashan karaan dalka, oo lacagtoodan yar ee ay haystaan, ee aanu qofku kelidii wax ba ku qaban karayn, sidii meel la isugu gayn lahaa.

Sidaas ayay markaa baananku na ku korayaan, dalku na ku horumarayaa, oo ku noqonayaa wadan ay wershadihii yar yaraa wadanka gudihiisa laga hirgeliyo. Waxaan markaa aad iyo aad ugu boorinayaa baananka gaarka loo leeyahay, in aynu ka shaqayno sidii dadka loo fahamsiin lahaa, intii dhaqaale haysata iyo intii la maalgelinaya ba.

Baanka muhiimadiisu ba wuxuu ka shaqeeyaa, laba fursadood oo la isku geeyay. Inuu dadka aan maalgashi samayn garanaynin, ee lacagtoodda yar lexejeclaynaya baanka u gelinaya, iyo nin fikrad fiican haya, oo dabadeed na uu lacag amaahiyo” ayuu yidhi Saylici.

Geesta kale waxa uu baananka gaarka loo leeyahay ugu baaqay in ay ku dedaalaan sidii bulshadda loo fahamsiin lahaa muhiimadda ay baananku leeyihiin, isla markaana la abuurro kalsooni ay dadku ay helaan kalsooni ay ku qabaan in lacagahoodda ay baananka dhigtaan.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Baanka gebigiisu ba waa aaminaad. In aaminaad la abuurro oo aad ka shaqaysaan qolooyinkiinan imika ururka abuurray, iyo baanka dhexe ee Somaliland in la abuurro, in la is aaminsiiyo shacabiga iyo baananka, oo dadku aanay lacagta guryaha ku haysan, ama sidii aan sheegay aanay dhulka gelinin, oo aanu woxoodii cidlo ku khasaarin.

Waxaa ka haboon in ay meel aamin ah, oo baan ah u taallo ayaa wanaagsan, waayo? Lacagta baananka la dhigaa meel loogu hagaago ayay leedahay. Laakiin se, lacagta meelaha kale la geliyaa, meel loogu hagaago ma laha. Taa darteed anagu waxaanu dhiiri gelinaynaa… shuruucdii baananka ee dalku way socotaa.

Haayadda Caymiska ayanau aasaasnay, oo iyada lafteedu ka mid ah dhaqaalaha, oo Caymisku qayb weyn ayuu ka qaadanayaa ilaalinta dhaqaalaha. Waxaanay ka mid tahay haayadaha dawladeed ee lagu kabayo, ama lagu ilaalinayo dhaqaalaha dalka”.

Dhinaca kale Waxaanu dhamaantood ba baananka gaarka loo leeyahay ku amaanay in ay Somaliland meel hoose inagala soo bilaabeen, iyadoo wadanku uu xaalado kale oo cidhiidhi ah ku jiray, hada na ay hantidoodii ku aamineen.

Isagoona xusay in xiliyadaasi adkaa aanay xataa jirin xeerar badan oo cadaymeed, balse ay hada na ummadoodii maalgeliyeen oo ay kor u soo qaadeen noloshoodda, isla markaana taasi ay tahay ta wadanka ku keentay isbedel weyn, isla markaana ay ummad badani ka faa’iidaysatay.

C/raxmaan Saylici, waxa uu ku amaanay baananka gaarka loo leeyahay in ay maanta marayaan in ay kor isku soo qaadaan, taasina ay horumar weyn wadanka u keentay, sidoo kalena ay ummad badani ka faa’iidaysatay.

 

Leave a Reply