Raysal-wasaaraha Ciraaq oo ka Badbaaday Weerar Diyaarado ku Duqeeyeen Gurigiisa

0
814

Raysal-wasaaraha waddanka Ciraaq Mustafa al-Kadhimi ayaa ka badbaaday weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku qaadeen kuna duqeeyeen gurigiisa axaddii shalay xilli uu Raysal-wasaaruhu ku sugnaa hoygiisa la duqeeyay.

 

Raysal-wasaare Mustafa,ayaa  sheegay in aanay isaga wax dhibaata ahi soo gaadhin isla markaana uu ka badbaaday weerar lagu soo qaaday gurigiisa oo ku yaalla magaalada Baqdaad ee caasimadda waddankaasi.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in hoyga Raysal-wasaaraha oo ku yaal aagga Green Zone-ka loo yaqaan lagu soo weerraray diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah ee drone-ka oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, arrintaas oo loo malaynayo inay tahay iskuday lagu lagu doonayay in lagu dilo Raysal-wasaaraha.

.

Warar ay baahiyeen warbaahintu ayaa  lagu sheegay in Mr al-Kadhimi loo qaaday Cisbitaalka.

Farriin uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku baaqay  ” in la isdejiyo oo cidwalba la iska xakameeyo, iyadoo la eegayo danta dalka Ciraaq”.

Saraakiisha dalkaas ayaa sheegay in lix qof oo ka tirsan ciidammada ilaalada ee Raysal-wasaaraha in lagu dhaacaway weerrarkaasi.

 

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerrarka lagu qaaday goobta ka tirsan magaalada caasamidda ah ee ay ku yaallaan dhismeyaal  badan oo kuwa dowladda ah iyo safaaradaha shisheeye.

Mr al-Kadhimi, oo ah madaxii hore ee sirdoonka, ayaa xilka Raysal-wasaaraha waxaa loo dhaariyay bishii May ee sanadkii tegay.

Todobaadyadii la soo dhaafay, taageerayaasha kooxaha siyaasadda ee u janjeedha  dhanka Iiraan ayaa meel u dhaw aagga Green Zone-ka waxa ay ka dhigayeen dibadbaxyo.

Waxaanay ka mudahaaradayeen natiijooyinka doorashadii guud ee la qabtay bishii la soo dhaafay, taas oo ay sheegeen in cododka lagu shubtay.

Iyadoo in ka badan 100 qof ay ku dhaawacmeen iskudhacyo qalalaase watay oo todobaadkan dhexmaray dibedbaxayaasha iyo ciidammada ammaanka

 

 

Leave a Reply