Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabis iyo xil ka Qaadis sameeyay

0
743

Hargeysa (Dawan)  Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maxamed Axmed Maxamuud Diiriye u magacaabay wakiilka cusub ee Somaliland u joogi doona dalka Kenya, madaxweynaha ayaa sidoo kale, xilkii ka qaaday badhasaab ku xigeenkii hore ee gobolka Sool Saleebaan Diiriye Cabdi, waxaanu xilkaas u magacaabay Maxamed Aadan Cumar.

Xafiiska Somaliland ee Kenya ayaa muddo ku dhow laba bilood iyo badh ahaa bilaa wakiil ahaa, waxaana xilkaa si ku meel gaadh ah usii hayay wakiil ku xigeenka Somaliland ee Kenya Sharmaarke Geelle, kadib markii wakiilkii hore ee Somaliland u joogi jiray Kenya Amb: Baashe Cawil Cumar oo xilkaa iska casilay 3 bishii September.

Halkan ka akhriso Wareegtada madaxweynaha Somaliland

Leave a Reply