Masuuliyiinta Dugsiga Al Huda oo Kafaalo Qaaday Waxbarashada Wiil Hal-abuur ah

0
419

Hargeysa (Dawan) Dugsiga sarre ee  Al Huda, ayaa kafaalo qaaday geedi socodka waxbarasho ee Suhayb Cabdiweli Ducaale, oo tahli kari waayay in uu sii wato hayaankiisa waxbarashadiisa.

Wiilkan  yar oo ILLAAHEY haybad u siiyay hal abuurnimo far-shaxanimo ku dheehan tahay, taasi oo dhawaan ay soo bandhigeen muuqbaahiyaha madaxa bannaan ee Bulsho.

Xasan Maxamed Cabdi, oo ka mida masuuliyiinta dugsiga sarre ee Al Huda, ayaa sheegay in ay dhabarka u riteen in ay ka bixiyaan dhammaanba adeegyada mihiimka u ah geedi socodkiisa waxbarasho, sida kharashka iskuulka, baskiisa, buugagtiisa iwm.

Xasan isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.“Dhab ahaantii waanu soo dhaweynayna ardaygan, waxa sidoo kale xafiiska hay’adda Al Huda ee waxbarashadu uu balanqaaday in ardayga waxbarashadiisa ilaa heer Jaamacadeed ay ka bixiso.

Waxa aanu balanqaadnay balcadiisa, buugaagtiisa baskiisa iyo nusasaacihiisa, oo si dhammeystiran oo dugsiga iyo xafiiska oo iskaashanaya u bixinayaan.

Waxaa aynu rajjaynayna cidkasta oo hal-abuurleh in aanu gacan qabano, wixii baahiyaad ah ee anaga nala gudboona aanu ka taageerno, waana astaanta ay u taagan tahay hay’adda Al Huda”

Leave a Reply