Biyo la’aan soo Food saartay Dadka iyo Duunyada Degmada Xaaji Saalax iyo Qayla-dhaanta Maamulka

0
495

Xaaji-saalax (Dawan) Guddoomiyaha degmada Xaaji Saalax ee gobolka Daad-madheedh,  Cali Muuse Faarax, ayaa xukuumadda Somaliland iyo hay’adda dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn ugu baaqay in ay biyo dhaamis u sameeyaan dadka iyo duunyada ay ku habsatay biyo la’aantu ee degmada Xaaji Saalax iyo degaanada hoos yimaada.

Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah fariin ugu diray wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland, mudane Cali Maxame Xasan (Cali Mareexaan), oo uu ka codsaday hirgelinta Dhaam-biyood xukuumaddu ugu balanqaaday degmaddaasi.

Guddoomiye Cali Muuse isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.“Waxaanu leenahay xukuumadda Somaliland iyo hay’addahaba ciddii biyo ugu deeqi karta degmada Xaaji Saalax iyo degaanada hoos yimaada, waxa ka jirta xaalad biyo la’aaneed oo xoog leh biyo hanalala soo gaadho haddii ILLAAHEY yidhaaho.

Haddii aanu nahay maamulkii, odayaashii iyo waxgaradkii degmada waxaanu soo jeedinayna in qayb libaax leh laga qaato gurmadka wax ka qabasahada, biyo la’aanta baahsan ee soo foodsaartay dadka iyo duunyada degmada Xaaji Saalax.

Sidoo kale wasiirka horumarinta biyaha Somaliland, waxa aanu ka codsanayna fulinta Dhaam-biyoodkii xukuumaddu ay noo balanqaaday, isla markaana qiimayntiisu ay weli hortaalo wasaaraddasi”

Leave a Reply