Wakiilka Somaliland u fadhiya Finland oo faahfaahin ka bixiyey kulan dhex maray madaxda Baarlamanka dalkaasi iyo wefti ka socda Golaha Wakiillada JSL

0
544

“maanta waxaanu la kulmaynaa oo nala balansan guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka midowga Yurub oo ah…”Amb. Saamiya Muuse
Qore. Saleeban Kalshaale

Helsinki (Dawan)-Wefti ka socda Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland oo booqasho ku maraya wadamo kamida qaarada Yurub, ayaa kulamo la yeesha masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanada dalalka Finland iyo Sweden.
Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ka tirsan oo uu hogaaminayey Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golahaasi Md. Cali Xaamud Jibriil, ayaa magaalada Helsinki ee caasimada Finlabd kula kulamay guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Dalkaas Antti Rinne oo uu weheliyo la taliyihiisa gaarka ah, waxaana sidoo kale kulanka ka qaybgalay danjiraha Somaliland u fadhiya dalkaasi Marwo Saamiya Muuse oo uu xafiiskeedu diyaariyey martiqaadka weftigu ku tageen dalkaas.
Finland ayaa kamida dalalka Yurub ee ay Somaliland saaxiibka dhaw yihiin, waxaanay dhinacyada baarlamaanada labada waddan ka wada hadleen sidii ay u xoojin lahaayeen xidhiidhka labada dal, gaar ahaan baarlamaanada, sida uu war qoraal ah ku sheegay xildhibaan Maxamed Xuseen Raamboow oo kamida xubnaha kulanka ka qaybgalay, kaasoo qoraal uu kulankaasi kaga waramay soo dhigay barta shabakadda Facebook ku leeyahay.
Kulanka oo dhacay gelinkii dambe ee Arbacadii, qaybna ka ahaa kulamo xidhiidh ah oo uu weftiga golaha Wakiilladu ilaa maalmaha soo socda la yeelanayo masuuliyiin dalkaasi, ayaa waxa soo qaban qaabiyey Wakiilka Somaliland u fadhiya Finland Amb. Saamiya Muuse oo sidoo kalena ah xubin firinfircoon oo xidhiidhka arrimaha dibada u qaabilsan xisbiga talada haya ee dalka Finland.
Ambasadoor Saamiya Muuse oo wargeyska Dawan la xidhiidhay iyadoo ku sugan Magaalada caasimada dalka Finland, ayaa sheegtay in weftiga golaha Wakiilladu ku yimaadeen martiqaad rasmi ah oo ay uga diyaarisay Baarlamanka iyo Xukuumadda dalkaasi.
“Weftigu waxay ku yimaadeen martiqaad rasmi ah oo aan ka diyaariyey Wasaaradda arrimaha dibada Finland, kaasoo markii aan u dirayba ay deg deg u aqbashay wasaaraddu anigoo sii maray safaaradda Nairobi”ayey tidhi Marwo Saamiya.
Danjiraha ayaa intaas ku dartay inay kulamo kala duwan la yeesheen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo xisbiga talada haya ee dalkaasi “shalay waxaanu la kulanay Madaxweynihii hore ee Finland. beri (maanta) waxaanu la kulmaynaa oo nala balansan guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka midowga Yurub oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Finland, kaasoo isaga laftiisu ah nin ka badheedhay qadiyada Somaliland oo aanu doonayno inuu goleyaasha Yurub qadiyada dalkeena geeyo”ayey tidhi Danjire Saamiya.
Amb. Saamiya waxa ay sheegtay in hawlo badan oo la xidhiidha dhinaca qadiyada Somaliland ay dhaqaajisay intii ay xilka haysay, maadaama ay xubin muhiim ah ka tagay Xisbiga dalka Finland xukuma oo ay xilal kala duwan u qabatay, haatana ay u qaabilsan tahay xidhiidhka dibada “waxa guul weyn ah in aan dalka finland ka diwaangeliyey Xafiiska Wakiilka Somaliland oo si rasmi ah u shaqeeya, si weyna laygu tixgeliyo”

Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Xuseen Raamboow oo faahfaahin ka bixiyey kulanka dhex maray weftigooda iyo guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Finland, ayaa sheegay “Waxaanu ka wada hadalnay iskaashiga labada Baarlamaan ee Somaliland iyo Finland.

Waxa dhinaca Somaliland hoggaaminayay guddoomiye-xigeenka 2aad ee golaha wakiilada xildhibaan Cali Xaamud Jibriil, waxaana kulanka nagu wehelisay wakiilka Somaliland ee Finland Danjire Saamiya Muuse oo kulanka soo qaban qaabisay”ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka guddi-hoosaadka arrimaha dibada ee Golaha Wakiillada JSL Md. Maxamed Xuseen Ramboow.
Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Xuseen Raamboow oo ay weheliyaan xubno kamida Jaalliyada Somaliland ee dalka Sweden, ayaa khamiistii doraad kulan kula yeeshay Magaalada Stokholm guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Sweden Xildhibaan Åsa Lindestam iyo xildhibaano ka tirsan baarlamanka dalkaasi.
Mudane Ramboow oo lugtiisa labaad booqasho ku tegay dalka Sweden, halkaana kulamo kale kula yeeshay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda dalkaas, ayaa tilmaamay inay arrimo kala duwan oo muhiima ka wada hadleen mudaneyaasha reer Sweden.
waxaanu sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook “Waxaan galabta (Khamiistii)xarunta Baarlamaanka Sweden kula kulmay guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Sweden Xildhibaan Åsa Lindestam iyo labada xildhibaan ee kala ah Anders Österberg iyo Ola Möller.
Kulankan waxaanu kaga wada hadalnay xidhiidhka labada baarlamaan iyo sidii loo xoojin lahaa iyo qodobo kale oo muhiim ah.
Waxaanu si guud u booqanay xarunta Baarlamaanka iyo qaybaha uu dhismuhu ka koobanyahay”
Geesta kale, Xildhibaan Raamboow waxa uu faahfaahin ka bixiyey kulamo uu la yeeshay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibada ee dalka Sweden, waxaanu tibaaxay inay masuuliyiintaasi ka wada xaajoodeen iskaashiga labada dal iyo sidii ay u xoojin lahaayeen.
“Waxaan xarunta wasaarada arrimaha dibada Sweden kula kulmay Madaxa arrimaha Bariga Africa Cecilia Wramsten iyo Madaxa Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Anna Centerstig.
Waxaanu ka wada hadalnay iskaashiga Somaliland iyo Sweden iyo sidii wax loo wada qabsan lahaa”ayuu yidhi.
Kulanka ayuu sheegay inay ku wehelinayeen Mustafe Cabdi Ismaaciil oo ah guddoomiyaha dallada guud ee Jaalliyadda Somaliland ee Sweden, Maxamed Yuusuf Bidhiidh Badda oo ah guddoomiyaha Ictiraaf raadinta ee Sweden, Liibaan Xasan Cabdilaahi iyo Mahad Kadleeye oo ka tirsan jaalliyadda Somaliland ee Sweden.

 

Leave a Reply