Maxaa Sababay In Faadumo Calfan Weydo Malaayiin Doolar Oo Si Adag Ku Soo Galay?

0
529

Faadumo Maxamed Cismaan waa haweenay reer Lubnaan ah, waxa ay dhalatay sannadkii 1965-kii waxaana ay ahayd mid qabta baahiyaha gaarka ah, taas oo ay u haysatay kaar cadaynaya arinkaasi.

Gabadhan waxa ay nolosheeda ku qaadatay dawarsiga ama tuugsiga iyadoo bilowday markii ay da’deedu ahayd 13 sano. Dawarsiga waxa ay uga faa’iidaysatay naafannimada jidheed ee ka muuqatay gacmaheeda.

Faadumo waxa hoy iyo guri u ahaa gaadhi “Mercedes” oo duug ah laguna tuuray darqiiqa Awsaac xaafadda Basdda ee magaalada Bayruut caasimadda dalka Lubnaan.

Goobtaasi ayay ku noolayd sanado badan, iyadoo gurigeeda rasmiga ah ka dhigatay. Waxa ay fadhiisan jirtay dariiqa saacado badan oo maalintii ah, iyadoo dawarsanaysa bulshada lacagta ay ka hesho waxba kama bedeli jirin nolosheeda.

Waxa ay raashin ka dhigan jirtay cunto liidata, dharkeeduna waxa uu ahaa mid xun ah oo wasakh badan. Muuqaalkeeda ayaa qof kasta ku riixiyay inuu kaalmeeyo oo aanu dhaafin.

Qofna uma ay sheegi jirin waxa ay ka hesho, waana ay qarin jirtay. Xaaladda nolosheedu isma bedeli jirin si kasta oo ay lacag badan u hesho, oo dakhligeeduna u bato.

Maalmuhu waa isugu mid haddii ay boqolaal qof caawiyaan iyo hadday kumanaan gaadhaan. Muuqaalka ka muuqda, da’deeda iyo sida dharkeeda yahay qofka arkaa waa u naxariisan jiray.

Faadumo muddo marka ay joogto waxa ay u tegi jirtay qoyskeeda oo degenaa magaalada Caynu Dahab ee gobolka Cakaar si ay halkaasi ugu soo qubeysato, waxaana ay la joogi jirtay muddo kooban.

Madaama ay caado u lahayd dawarsiga ama tuugsiga waxa ay dareemaysay gaajo iyo saboolnimo adag, waxaana ay qoyskeeda weydiisan jirtay inay caawiyaan oo wax taraan madaama ay baahi weyni hayso.

Qoyskeedu awood ay wax ku taraan ma lahayn waayo iyaguna waxa ay ahaayeen kuwo sabool ah sideeda.

Laakiin waxa ay usoo jeediyeen inay iyaga la joogto si ay wax ula qabto, laakiin arintaasi waa ay diiday iyadoo ka doorbiday inay hawsheeda dawarsiga iska sii wadato. Goobtii tuugsiga ayay ku noqotay, mana ay joojin ilaa da’deedu gaadhay 52 sano.

Faadumo wakhtigaasi waxa ku bilowoday xanuun laakiin marnaba isma ay dawayn, maxaa yeelay may rabin inay caafimaadkeeda ku bixiso hal dollar oo ku soo galay si adag.

Xanuunka haya awgeed waxa ay dib ugu noqotay qoyskeeda si ay ugu soo qubaysato sidii ay caadada u lahayd. Walaaladeed waxa ay ogaadeen xanuunka haya waxaana ay usoo jeediyeen inay Isbitaalka deegaanka la geeyo, inkasta oo ay diiday arinkaasi iyadoo ka cabsi qabtay in lacagta dawada iyo dhakhtarka la weydiiyo.

Muddo yar ka dibna waxa ay ku noqotay gurigeedii ahaa gaadhiga ama baabuurka daxalaystay ee dariiqa lagu tuuray, iyadoo ka baxsanaysa in walaaleed ay geeyaan Isbitaalka……

Haddaba waxaa dhacday in bishii May 15-dii, Sannadkii 2018-kii, Faadumo iyadoo 54 sano jir ah ayaa waxa maydkeeda laga helay gaadhiga duugga ah ee hoyga u ahaa. Boliiska ayaa goobta yimi, waxaana ku dhacay naxdin iyo yaab, arrinka ay ku arkeen gudaha hoyga islaanta miskiinadda ah ee Faadumo.

Waxa ay ahayd mayd, waxase dhinac yaalay kiishash waaweyn oo ay ka buuxaan lacagtii ay kaydisay ee xad dhaafka ahayd. Muddo kooban ciidanka boliiska isma ay dhaqaajin, yaab iyo naxdin awgeed, waxaana ay ku barafoobeen goobtii ay taagnaayeen.

Waxa dhab ah in aanay weligood arag hanti sidan kiishash uga buuxda oo dhex taalla goob aan ku haboonayn.

Maxaa la yaabeen ?! , waxa ay ku arkeen gudaha gaadhigii duuga ah ee aan shaqayn, ee qofna aanu u malayn Karin inay hanti xad dhaaf ahi ku kaydsan tahay.

Lacagta kiishashka ku jirtay ayaa dhamayd 5 milyan oo lacagta Lubnaan ah, waxa kale oo dhinaceeda yaaallay buugaagta ay bangiga ku dhigan jirtay lacagta ay dawarsato kuwaasi oo ay ku qornaayeen hal bilyan iyo 7 boqol oo milyan oo lacagta dalkaasi ah.. Guud ahaan hantida islaantu ay darxumada uga dhimatay ayaa lagu qiyaasay lacag ka badan hal milyan oo dollarka Mareykanka ah.

Boliisku waxa ay dareemeen inay hor taagan yihiin maydka gabadh milyaneer ah, laakiin ku noolayd goob aan u qalmin nolosheeda.

Waxaa ciidanku ay ku dadaaleen inay helaan qaraabada islaanta hantiilaha ah ee dhimatay, iyagoo ogaaday in qoyskeedu degan yahay magaalada Caynu- Dahab, halkaasi oo xidhiidh kula sameeyeen.

Qoyskeedu waxa ay ahaayeen sabool, ka kooban Hooyadeed, shan hablood iyo laba wiil oo ay walaalo ahaayeen oo dhamaantood xaasas ah, laakiin baahidu ka muuqato oo wax hanti ah aan haysan.

Markii boliisku uga waramay geerida gabadhooda iyo hantida ay ka tagtay waxa ay aad uga xumaadeen geerida ugu timi cidlada, waxase ay la yaabeen hantida ay ka tagtay ee xad dhaafka ah

Qoysku waxa ay rumaysan kari waayeen oo ku adkaatay lacagta xadiga leh inay iyadu lahayd oo ay sidaasi u ahayd maalqabeen, iyadoo haddana uga caban jirtay saboolnimo xad dhaaf ah inay hayso.

Walaalkeed Khaalid ayaa yidhi : “ waan dareemaynay in ay lacag haysato taasi oo ay ka heshay shaqada dawarsiga, laakiin ma aanan filayn in ay xadiga intaasi le’eg gaadhayso”.

Arrinka Islaanta Faadumo ee dawarsiga ama tuugsiga maalqabeenka ka noqotay waxa uu wakhtigaasi noqday Bambo ku dhex qaraxday dalka Lubanaan iyadoo meel kasta laga hadal hayay.

Muwaadiniinta ayaa rumaysan waayay in islaantii baahiyaha gaarka qabtay ee ay sadaqada siin jireen aad ugu naxariisan jireen inay ahayd maalqabeen haysata hanti lacageed oo aanay iyagu xataa haysan.

Qoyskeeda ayaa qabsaday garyaqaan si uu u dhamaystiro hab raacayada sharci ee lagama maarmaanka u ah si loogu wareejiyo hantidaasi ballaadhan ee ay ka dhimtay gabadhooda dawarsan jirtay ee Faadumo.

Xigasho: Al-carabiya.com

 

 

Leave a Reply