Xeeladaha Iyo Khiyaamada Tuugta!

0
501

Booliiska Ingriiska ayaa xidhay tuug laba sano ku khiyaamaynayay dawladda inuu ku jiray kooma. Tuugan ayaa ka dhacay dad jaarkiisa ah lacag dhan 70 kun oo Doller.

Waxaana uu muddo iska dhigayay inuu ku jiro kooma. Mid ka mid ah kamaradaha suuqa ayaa sawir ka qaaday isagoo suuqa wareegaya.  Tuuggan oo lagu magacaabo Kueneman Alan oo 47 sano jir ah ayay dad taageerayaal u ahi u mudaharaadeen iyagoo sheegay inuu qabo xanuunka faaliga oo aan loo baahnayn in maxkamada la soo taago.

 

Qoyskiisa ayaa iyaguna isku deyay inay kala baxsadaan maxkamada iyagoo sheegay in aanu jjdhkiisu dhaqaaq badan samayn, oo u baahan yahay inuu ogsiinjinta quraarad ku sito intuu nool yahay. Mr. Kueneman Alan ayaa maxkamada la keenay waxaana uu wakhtigaasi watay gaadhiga curyaamiinta si loo muujiyo inuu yahay naafo. Maxkamada ayaa iyana soo bandhigtay cajalado Vedio ah oo muujinaya isagoo todobaadyo ka hor gaadhigiisa wata suuqyada qaarkood.

Leave a Reply