Wasaaradda Deegaanka Somaliland Oo Tiro-koob Ku Samaysay Duur Joogta Shacabku Haystaan

0
469

 

Akhristeyaal qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaawasaaradda deegaanka Somaliland oo shaacisay in ay tiro-koob ku samaynayaan noocyadda kala duwan ee duur joogta lagu haysto hudheeladda iyo meelaha kale ee magaalooyinka dalkoo dhan.

Waxaanay diiwaangelintaasi ka fulinaysaa wasaaradu afarta gobol ee  kala ah Maroodijeex, Awdal, Saaxil, iyo Togdheer, kuwaasoo la soo diiwaangelin doono dhamaanba wixii duur joog ah ee ay shacabku haystaan.

Hawshani diiwaangelinta duur joogta  waxaa fulin doonta waaxda duur joogta ee wasaaradda deegaanka Somaliland oo uu hogaaminayo agaasimaha waaxda duur joogta C/naasr Xuseen Siciid.

Waxaanay wasaaradda deegaanku hawshani tiro-koobka duur joogta ay dadka shacabka ahi haystaan ayaana afartii bishan November laga bilaabay gobolka Maroodijeex, iyadoona la soo diiwaangeliyay dhamaanba wixii duur joog ahaa ee ay dadka shacabka ahi haysteen.

Halka ay isla 7-dii bishan November wasaaraddu ugu gudubtay gobolka Awdal oo ay ka bilawday diiwaangelinta duur joogta dadku haystaan, iyadoona ay magaaladda Boorama gaadheen wefti uu hogaaminayo agaasimaha waaxda duur joota iyo xubno isugu jira dhakhaatiir iyo masuuliyiin kale.

Diiwaangelinta duur joogta waxaa Awdal, iyo maroodijeex ku xigi doona goboladda Saaxil iyo Togdheer oo iyagana la is raacin doono, sida ay sheegtay wasiirka deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo ka warbixinaysay bilawga arrintaasi.

Tallaabadani ayay wasaaradu u cuskatay iyadoo ka duulaysa xeerka ilaalinta duur joogta iyo kaymaha ee Somaliland ee Xeer Lanbar. 69/2015, kaasoo wasaaradda faraya in ay ka war hayso hadba tiradda iyo xaaladda duur joogta.

Sidoo kale waxaa jirtay wareegto ay wasiirka deegaanku hore u soo saartay oo ahayd in la diiwaangeliyo dhamaanba noocyadda duur joogta ay ee ay dadka shacabka ahi haystaan. Halka sidoo kalena ay wasaaradda deegaanku diiwaangelisay duur joogta shacabku haystaan sanadkii 2018-kii, iyadoona sanadkii 2019-kiina hubin lagu soo sameeyay tiradda duur joogta ay dadku haystaan.

Bilawga ololahani lagu diiwaangelinayo duur joogta ay dadka shacabka ahi haystaan waxaa ka warbixiyay wasiirka deegaanka Somaliland Shurki Xaaji Ismaaciil Baandare, iyo agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradda deegaanka C/naasr Xuseen Siciid, oo si wada jir ah shir jaraa’id u qabtay.

Shurki Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa tilmaantay in ka wasaarad ahaan ay masuuliyadi ka saaran tahay ka war haynta xaaladaha duur joogta ay dadku gaarka u haystaan. Waxaanay tidhi, “Anagoo ka duulayna xeerka Xeer LN. 69aad oo ah xeerka ilaalinta kaymaha iyo duur joogta, ayaa wuxuu na farayaa anaga ka wasaarad ahaan in aanu wakhti kastaba ka war hayno duur joogta lagu haysto meelaha gaarka loo leeyahay. Ama hudheello ha ahaato, ama guryaha ha ahaato, ama xarumaha kaleba ha haatee, in aanu ka war hayno.

Sanadkii 2018-kii waa la soo diiwaangeliyay. Sanadkii 2019-kiina waa la so hubsaday. Imika na waxaanu doonaynaa inta aanu sanadkani dhamaanin, in goboladda la soo marro, oo la soo eeggo waxa ku kordhay, ama ka dhinmay, duur joogtaasi dadka shacabka ah gacantoodda ku jirtay”.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxay ka warbixisay tiradda duur joogta kala duwan ee ay soo diiwaangeliyeen markii tiro-koobka lagu sameeyay sanadkii 2018-kii iyo kuwa ay iyagu wasaarad ahaan xiligaasi kala wareegeen dadka shacabka ah.

“Markii la diiwaangelinaay, waxay ahaayeen 157 xabadood oo isugu jiray noocyadda kala duwan ee duur joogta. 33 anagaa gacanta ku hayna, oo Harimacad bay ahaayeen, inkastoo ay maanta kordheen, oo ay 77 xabadood marayaan.

Waxaanu doonaynaa inta aanu ka soo qaadnay meelaha gaarka ah ee ay dadku ku haysteen, oo ah 27 waxaanu ka soo qaadnay Miiska saraakiisha, baanka waxaanu ka qaadnay 3 xabadood, Grandi hutel waxaanu ka qaadnay 2, Smart-na waxaanu ka soo qaadnay hal.

Intaa marka la isku geeyo waa 33 xabadood, waxaana la geeyay Debis, waanay tarmeen oo maanta laban-laab ayay marayaan” ayay tidhi wasiir Shukri Baandare.

Wasiirka oo haalka sii wadatayna waxay tidhi, “Waxaa dadka gacantoodda ku hadhsanaa 101 xabadood, markaa waxaanu imika doonaynaa in aanu 101-dii eegno caafimaadkoodda iyo sida ay yihiin. Maxaa ku kordhay? Maxaa ka dhiman? Maroodijeex, waa la dhameeyay, waxaana loo gudbayaa Awdal. Markaa kadib na waxaa iyaguna is raacaya Saaxil iyo Togdheer”.

Geesta kale wasiirka deegaanka Somaliland ayaa ugu baaqday bulshadda ku nool goboladda laga fulinayo diiwaangelinta duur joogta in ay hawshaasi ku gacan siiyaan oo ay u fududeeyaan shaqaalaha wasaaradda ee samaynaya.

Dhinaca kale agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradda deegaanka C/naasr Xuseen Siciid, ayaa faahfaahin  ka bixiyay sababta keentay in la soo tiro-koobo duur joogta kala duwan ee ay dadka shacabka ahi haystaan.

“Wasiirka wasaaradda deegaanku iyadoo ka duulaysa xeerka ilaalinta Kaymaha iyo duur joogta waxay soo saartay wareegto ay ku sheegayso in lala wareego dhamaanba duur joogta ay dadka shacabka ahi haystaan.

Intaa ka hor in la soo hubiyo wixii ku kordhay iyo xaaladoodda caafimaad. Waxaana nala socda dhakhtarkii oo eegi doona xaaladoodda caafimaad” ayuu yidhi C/naasir Xuseen Siciid.

 

 

Leave a Reply