Daawadayaasha Iyo Xiisaha Muuqaalka!

0
525

Wuxu kasbday janalka Benjamin Bennett ee YouTube in ka badan 127,000 daawaade oo joogto ah, iyadoo laga qaaday 272 fiidiyow afar sanno gudahood kuwaasi oo la gaadhsiiyay dad gaadhaya 10 malyan oo qof daawashadooda.

Dhamaan muuqaalka caadiga ah ee ku jira janalkan waa hal nooc oo keliya oo ah in Benjamin uu hor fadhiisto kamarada u taal dhulka qolkiisa isagoo dhoola cadeynaya muddo 4 saacadood ah,  isla markaana aanu samayn wax haba yaraatee dhaqdhaqaaq joogta ah.

Wakhtiga filimadiisa oo dhan waa 4 saacadood iyo daqiiqo ama laba daqiiqo oo ku dhamaystiran ilko cadayn iyo aamus keliya oo qolkiisa ah.

Waxa kale oo iyana yaab noqotay in aanu ninka Janalkan iska lihi aanu wax lacag ah ka helin waayo ma sameeyo xayaysiis iyo ogaysiisyo ah, waxa keliya ee uu helaa waa lacag dhan $ 24 oo ah deeqda bogga internetka ee ay bixiso shirkadda Patrion.

Markii Benjamin la weydiiyay sababta ku kelifaysa habkan waxa uu ku jawaabay:  “ Aniga ayaa jecel inaan sidan sameeyo oo xiisaynaya”. Waxa kale oo cajiib ah in muuqalada uu ku jiro qof  ku soo galaya si tuugo ah guriga Benjamin kaasi oo doonaya inuu xado, laakiin markii uu qolkiisa soo galay tuugu wuu naxay waayo wuxu arkay ninkan iska dhex fadhiya ee dhoola cadaynaya. Benjamin waxba isaga iskamay bedelin wuu iska fadhiyay oo dhool cadaynayay weli. Tuugii ayaa isagoon wax alaab qaadan oo weli argagax qaba iskaga tegay guriga. Dadka daawada Janalkan ayaa fikrado kala duwan ka qaba iyagoo qaarkood aaminsan inuu yahay qof  caqli badan halka kuwa kalena ay rumaysan yihiin inuu yahay Shaydaan.  Xiisaha dawadayaasha Janalkan ayaa ah mid ay dad badani la yaban yihiin.

 

 

 

 

 

Leave a Reply