Dhoollatus ay Wada Jir U Sameeyeen Sraa’iil iyo Dalalka Khaliijka

0
440

Waxaa dhoolatuskan ka qeyb qaatay maraakiibta dagaalka ee Mareykanka

Tallaabadan oo aan cidna aanay maskaxdeeda ku soo dhacdeen saddex sano ka hor, ayaa ciidammada badda ee dalalka Khaliijku waxay bilaabeen dhoolatus millateri oo wadajir ah, taasoo ah tii ugu horreysay ee ay abid la sameeyaan dhiggooda Israa’iil, iyagoo kaashanaya ciidammada badda ee Mareykanka.

Dhoolatuskan oo muddo shan maalmood ah ka socday Badda Cas ayaa waxaa ka qeyb qaatay maraakiib dagaal oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta, Baxreyn, Israa’iil iyo Mareykanka.

Wuxuu bilaabmay dhoolatuskan wadajirka ah Arbacadii la soo dhaafay waxaana ka mid waxyaabaha lagu soo bandhigay maraakiibta oo lagu fuulo si degdeg ah, baaridda iyo qabsashada maraakiibta.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Badda Mareykanka ayaa sheegay in tababarka uu “kor u qaadayo wada shaqeynta ka dhaxeysa ciidamada ka qeyb galaya dhoolatuskan”.

Dhoolatuskan militari wuxuu daba socdaa saxiixii heshiiskii Abraham ee la gaaray Sebtember 2020, kaas oo Imaaraadka iyo Bahrain ay caadiyeeyeen xiriirka Israa’iil.

Wixii markaas ka dambeeyay waxaa is-weydaarsaday xiriir diblomaasiyadeed, mid milateri iyo mid sirdoon Israa’iil iyo dalalkaas Khaliijka, iyadoo dhammaan dhinacyadan ay wadaagaan walaacooda ku aaddan dhaqdhaqaaqyada Iiraan.

Madaxa hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad ayaa booqasho guud ku tagay dalka Baxrayn, waxaana bishii October uu taliyaha ciidamada cirka ee Imaaraatka uu booqasho noocaan oo kale ah ku tagay Israa’iil.

.

Iran oo dhawaan ku dhawaaqday dhoolatus ay ciidamadeeda badda ka sameynayaan bariga marin biyoodka Hormuz ayaa si weyn uga carootay joogitaanka ciidamada badda ee Maraykanka iyo kuwa kale ee reer galbeedka gobolka Khaliijka.

Xiligii uu dalkaasi ka talinayay boqorkii la oran jiray Shah, ciidamada badda ee Iran waxay ahaayeen kuwa ugu xooga badnaa gobolka.

Tan iyo Kacaankii Islaamiga ahaa ee Iran ka curtay 1979-kii, waxay si joogta ah ugu baaqaysay xukuumadda Tehran dowladaha Khaliijka Carabta inay ciidamada Mareykanka ka saaraan gobolka, iyaga oo u sheegay in Iran ay tahay dalka ilaalinaya amniga Khaliijka.

Baaqa ay soo jeedisay Iran ayaa noqday mid dhegaha laga fureystay, iyadoo dhammaan lixda waddan ee Khaliijka Carabta ay weli ku yaalaan saldhigyada ciidamada Mareykanka.

Sacuudiga, Baxreyn iyo Imaaraatka, waxay weli shaki weyn ka qabaan Iran iyo ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah .

In ka badan lix sano oo duqeymo xagga cirka ah oo xulafada Sacuudiga ay ka wadeen Yemen ayay ku guuldareysteen inay ka adkaadaan fallaagada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran, ururka Xisbullah ee Lubnaan ayaa sidoo kale ka sii xoog badan sidii hore.

Iran ayaa saldhigyo weyn ku yeelatay labada dal ee Ciraaq iyo Suuriya iyadoo maalgelinaysa islamarkana hubaynaysa maleeshiyooyin, waxayna u dirtay ciidamadeeda si ay u xoojiyaan dowladda Bashaar Al-asad ee Suuriya.

Iran ayaa sidoo kale dhistay hub aad casri u ah sida gantaalada balaastikada iyaga oo awood u leh inay ku garaacaan meel kasta oo ka tirsan Khaliijka, halka ciidamada badda ee Iran ay si xawli ah u balaariyeen maraakiibtooda dheereeya ee Torpedo iyo doomaha miinada.

Walaaca ay ka qaban Israa’iil iyo dalalka Khaliijka Carabta ee Iran ayaa sii kordheyay muddooyiinkii u dambeeyay gaar ahaan barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Walaaca ayaa sii kordhay ka dib markii Mareykanka iyo Iran ay ka baxeen ballanqaadyadii ku jiray heshiiskii Nukliyeerka ee 2015.

Israa’iil ayaa ka shakisan in Iran ay ka shaqeyneyso dhismaha madaxyada nukliyeerka, taas oo Iran ay marar badan beenisay.

Sacuudiga ayaa taariikh ahaan ka mid ahaa dalalka sida aadka ah u cambaareya dhaq dhaqaaqyada Iran ee Bariga Dhexe, gaar ahaan tan iyo markii dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan Al Sacuud uu noqday wasiirka gaashaandhigga sanadkii 2015-kii.

Balse 14kii Sebtembar 2019 waxaa dhacay wax gabi ahaanba beddelay xisaabinta qorshayaasha istiraatijiyadeed ee Sucuudiga .

Saacadihii hor ee waaberiga, ayaa diyaarado iyo gantaallo waxaa si toos ah loola beegsaday xarumaha muhiimka ah ee wax soo saarka shidaalka Sacuudiga ee Abqaiq iyo Khurais, taasi oo saameysay kala bar wax soo saarkii boqortooyada.

Falaagada Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay in ay ka danbeeyeen, balse gantaalada ayaa laga soo tuuray dhanka waqooyi, waxaana baaritaano kadib lagu soo gabagabeeyay in ay soo rideen maleeshiyaad taabacsan Iran oo ka soo gudbay xadka koonfurta Ciraaq.

Farriinta ayaa ahayd mid cad taasi oo ah in Iran, haddii ay doonto, ay si xun u dhaawaci karto Sacuudi Carabiya iyo xulafadeeda iyo waliba kaabayaasha muhiimka u ah dhaqaalaha boqortooyada.

Jawaabtii Sacuudiga ee weerarka ayaa ahaa mid heerkisu hooseeyo, waxaana bilihii la soo dhaafay socday wadahadallo u dhaxeeyay madaxda Iran iyo Sacuudiga oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa.

Taas macnaheedu maaha in Tehran iyo Riyaad ay saaxiibo dhaw noqonayaan – ee waa in la fahmay in aysan jirin cid ka faa’ideysa dagaal dhexmara labada dhinac muqstaqbalka islamarkana ay muhiimadu tahay in labada dhinac ay nabad ku wada noolaadaan.

 

Leave a Reply