Isticmaaka Kalluunka oo Dadka Waaweyn ka Illaaliya in Maqalkoodu Lumo

0
917

Daraasado kala duwna oo sanadihii u dambeeyay la sameeyey ayaa lagu sheegay in kalluunku dadka waaweyn ka ilaaliyo maqalkoodu inuu lumo ,gaar ahaan markay gaadhaan  da’ahaan 40 ilaa 90 sanno,iyada oo ay sheegeen kooxaha daraasadahaasi sameeyay ay kalluunka ku jirto maado macdan ah oo lagu magcaabo Omega-3.
Daraasadan oo lagu daabacay wargeyska lagu magcaabo American Journal of Clinical Nurtrition ayaa lagu sheegay in tijaabo lagu sameeyey dumar iyo rag gaadhaya  da’ahaan inta u dhaxaysa 40 ilaa 90 sanno ay ka bed qabaan dhego la’aan iyo dhego culays intaba,iyaga oo sheegay inay toddobaadkiiba laba jeer cunaan kalluun.
Daraasado hore ayaa sidoo kale lagu caddeeyey faa’iidooyinka kalluunka, gaar ahaana macdanta ku jirta ee lagu magcaabo Omega-3 oo ah mid u fiican dhinaca maqalka,waxaanay  ahayd daraasadii ugu horeysay ee laga sameeyaa laguna ogaadaa macdanta iyo faa’iidooyinkeeda mid la sameeyey sannadkii 2004-tii,waxaana daraasadaasi lagu ogaaday faa’iidooyinka uu kalluunku u leeyahay maqalka. Sidoo kalena waxa la ogaadey inuu yareeyo dhiiga oo kaca, inay yaraadaan xididada dhiiga qaadaa,dhiig yaraanta iyo xanuunka Cancer-ka oo uu isna ka hortago.
Daraasad hore oo la sameeyey sannadkii 2008-dii ayaa lagu sheegay in kalluunku uu sidoo kalena yareeyo indhaha oo daciifa ama araga oo daciifa.
Madaxa kooxdan samaysay daraasadan oo lagu magcaabo Dr Sharon Curhan ayaa sheegay inay rajaynayaan inay sii wadaan baadhitaanka faa’iidooyinka cunitaanka Kalluunka. Sidoo kalena ay ka eegi doonaan dhinacyo kala duwan.

Leave a Reply