Sadaqad Kasta Niyad Wanaagsan ku Bixi!

0
655

Ciyaar yahan caan ah ayaa markii uu ku guulaystay kubbada Golfka  waxa loo dhiibay jeeg abaal marin ah oo lacagtii ku qoran tahay. Markiiba waxa uu baxay si uu xaruntii naadigiisa u tago, laakiin markii uu gaadhigiisa koray gabadh dhalinyaro ah ayaa ku hamblayaysay guushiisa waxase ay ka codsatay inuu caawiyo, madaama ay haysato wiil yar oo buka oo aanay u hayn xataa lacagtii tigidhka dhakhatarka. Aad ayay u raadaysay baryadaasi, waxaana uu soo saaray jeegii la siiyay gebi ahaantiisa, isaga oo gacanta ka geliyay gabadha kaalmada codsatay.

Waxaana u uku yidhi : “ Waxaan rajaynaya in aad adiga iyo wiilkaga yari si fiican idiinku filaato.  Maalmo ka dib ayuu ciyaar yahanku ku noqday xaruntii naadiga isagoo ka qaydanaya huteelka naadiga ayuu nin shaqaalaha huteelka Golafka ka mid ahi oo ay saaxib yihiin ku yidhi :”Markii aad jeeg qaadatay todobaadkii hore, ma xusuusan tahay gabadh gaashanti ahayd oo kaalmo ka codsatay kaalmo ?. Ciyaartowga ayaa yidhi Haa.  Xubinta shaqaalaha ayaa ku yidhi :” Waxaan ku sheegaya in gabadhani ilma yari aanu ka bukin, caruurna malaha, weligeedba lama guursan, waxa ahayd xeelad ay ku urursato hanti!.

Ciyaartowgii ayaa ku yidhi :” Miyaanu jirin wiil ka xanuunsanayan? Shaqaalaha ayaa yidhi ma jiro.  Ciyaartowg aya ku jawaabay : “Hadalkii iigu wanaagsana ee aan maqlaa todobaadkan waa kaasi!. Anigu waxaan ku bixiyay wiil buka, sidii ayay ii tahay , maaha inaan ka daba tago. Xikmaduna waa “ Wixii aad bixisay ee niyad wanagsan ku bixisay weligaa haka werwerin”

Leave a Reply