Kamradaha Iyo Garashada Wejiga Qofka!

0
424

Dugsi sare oo lagu magacaabo Hangzhou 11, oo ku yaalla dalka Shiinaha ayaa marka 30 ilbidhiqsiba ardayga baadhis lagu sameeya wejigiisa. Arintan ayay ku sheegeen mamulayaasha dugsigu inay tahay si loola socdo xaaladda ardayga iyo inuu yahay mid iskii u mashquulsan oo werweraya, iyo weliba haddii ay lulo qabato markiiba waxa ay ka qaadaysaa sawir degdeg ah. Wargeyska “ Business Insider oo sheekadan daabacay ayaa cadaysay in dalka Shiinaha uu aad ugu faafay kamaradaha wejiga qofka qabanaya ee mar kasta la soconaya xaaladaha uu ku jiro ee uu samaynayo. Waxa kale oo qalabkan loo adeegsadaa dhinacyada maktabadaha oo halkii qofku uu aqoonsi kala soo bixi lahaa ay kamaradu si toos u garanaysa isla markaana ay u ogolaanayso in uu gudaha maktbada galo.

Leave a Reply