Dareenka Farxadda iyo Murugada!

0
513

Markii Labada Ey hal qol oo isku mid ah lagu xeereeyay laba wakhtiga oo kala geddisan. Eyga markii u horaysay lagu xeerayay, markii laga soo daayay waxa uu ka soo baxay isagoo faraxsan oo dabada lulaya.

Wakhti yar ka dibna waxa lagu xeereeyay Eygii labaad, iyadoo muddo isku mid ahna uu mid kastaa qolka ku jiray haddana markii eygan labaad laga  soo daayay waxa uu ka soo baxay isaga oo aad u cadhaysan oo weliba argagaxsan. Iyadoo qolku isku mid yahay, mudada uu mid kastaa ku jirayna ay isleegayd. Haddaba waa maxay faraqa u dhexeeya labada dabeecadood ee labada Ey?

Dadkii goobta joogay ayaa aad u yaabay, waxa ay weydiiyeen Faylasuufkii qisada sameeyay sababta dhacadadan farxadda Eyga hore iyo cadhada naxdinta wadata ee Eyga danbe.

Faylasuufka ayaa dadkii kexeeyay oo qolka geliyay waxa ay arkeen inuu qolku muraayado yahay, haddii aad dhinaca bari eegto waxaa kuu muuqanaya kumanaan Ey oo faraxsan oo ku soo eegaya oo dhamaantooda dabada lulaya.

Marka dhinaca galbeed la eegno waxa kuu muuqanaya kumnaan Ey oo cadhaysan isla markaana argagaxsan. Sidaas darted Labada Ey midba dhinaca uu eegay ayaa saamayn ku yeeshay, ayuu Faylasuufku yidhi. Waana sidaasi nolosha qofka waxa saamayn ku leh farxadiisa iyo cadhadiisaba xaaladaha ku xeeran ee u muuqda.

Leave a Reply