Xikmadaha Maanta

0
406
  • Haddii aanad si wanaagsan u qaban karin hawsha laga rabo isku dey inaad u eekaysiiso inaad sidii ugu wanaagsanayd u qabatay.
  • Aqoontu waa macluumaad lagu sheegay, caqliguna waa kan kaydiya oo dhaqan geliya.
  • Qirashada guuladaradu waa dhabaha guusha lagu gaadho,
  • Si aad u guulaysato mararka qaarkood waa inaad halista iyo khataraha u badheedha.
  • Ha samayn mar kale isla go’aankii fashilka keenay.
  • Cunsuriyadu waa rabitaanka diidan in dadka laga tirada badan yahay sare isu taagaan.
  • Dulqaadku waa qaybta ugu muhiimsan ee guusha.
  • Qof kasta waxa uu u baahan yahay tababare, maaha ciyaar yahanka keliya.
  • Marka aad rabto in ilmahaagu waxbarasho wanaagsan helo, raadi macalin fiican laakiin ha raadin dugsi wanaagsan, waayo cilmi baadhis ayaa caddaysay in farqi weyni u dhexeeyo ardayga guushiisa iyo dugsigiisa iyo xataa fasalakiisa iyo macalinkiisa.

Leave a Reply