Macalinka iyo Xaqdhowrka Dareenka Ardayga!

0
479

Markii uu aradygu xanuunsaday waxa uu dugsiga ka maqnaa muddo kooban, laakiin markii uu  xanuunka ka boogsaday ee dugsiga ku soo noqonayay ayuu macalinku ku soo booqday gurigooda.

Macalinka ayaa arkay wiilka oo timaha laga xiiray sidaas darteed waxaa uu go’aansaday si aanu u dareemin ardaygu niyad jab iyo kolba in arday ku yidhaahdo “ Dhukur”  , isla markaana aanu ka niyad jabin  dugsiga mudada timihu usoo baxayaan, in isagu uu timaha xiirto , oo ardaydan u amaano in mararka qaarkoo d ay fiican tahay in timaha la iska wada xiiro oo caafimaad ku jir.

Macalinka ayaa timaha soo xiirtay , iyagoo dhamaan ardaydiina ay soo wada xiirteen timaha.

 

Macalinka iyo ardaydiisa ayaa timaha xiiraa maalin ka hor imaatinka wiilka ee dugisga. Wiilka yaraa markii usoo bogsaday ee uu ku soo noqday lama dareemin in xanuun looga xiiray timaha ardayduna waxay u haysteen in astaanta dugsiga ku soo biirtay ay ka mid tahay.  Macalinka wanaagsani waxa uu ku dadaala in aan marna niyad jab ku iman ardaydiisa si aanay waxbarshada u joojin.

 

Leave a Reply