Kalluumaysiga Xaaladihii Hore iyo Xilligan Casriga ah

0
701

Kalluumeysi waa hawl shaqo,oo lagu soo dabanayo kalluun ku jira Badd ama Bar kale oo biyo Fadhiisi ah.
Jilaabashada kalluunku waa mid qadiimi ah waxay soo socotay muddo ka badan  40,000 oo sano.
Tan iyo qarnigii 16aad Maraakiibta kalluumeysiga waxaa u suurta gashay inay badd weynta ka jilaabtaan.
Markii lasoo gaadhay qarnigii 19aad waxaa dunida ku soo kordhay doomo iyo maraakiib kalluumeysi oo waaweyn.
Waxaana loo isticmaalay laguna xoojiyay kalluumeysigii hore, ee badaha caalamka ka socday.
Kalluunka waa xayawaan waxaana lagu tiriyaa kuwa duur-joogta ah ee biyaha ku dhex noolaada.
Waxa uu sidoo kale leeyahay Laf dhabar,waxaa la rumeysan yahay in sanad kasta badaha ku dhawaad 90 million oo kaluun ay ku dhintaan.
Balse kalluumaysiga maanta waxa jiraa habab farsamo oo kala duwan ayaa loo dabtaa kalluunka haba lagu kala horeeyee.
Isticmaalka kalluunka waxa laga helaa sida ilo caafimaad ay sheegeen faa’iido badan waxa aanu kuu noqon karaa cunto.
Hay’adda FAO la yidhaahdo tiro koob ay sameysay sanadkii 2005-tii waxa ay ku sheegtay inay ku tiirsan yihiin kalluunka dad gaadhaya 38 million oo ruux.
Dhanka kale hay’adu waxa ay xaqiijisay in shaqaale ka badan 500 million ay si toos ah iyo si aan toos ahaynba ay u quutaan kalluunka.
Meelihii kalluunka laga bilaabay waxaa ka mid Giriiga, Masar, Mareykanka Koonfur Afrika, Peru.
Koboca dhaqaale ee daleed kalluunka waa uu ka qeyb qaataa haddii agabka  kalluumeysi la tayeeyo.
Waddamadii casriyeeyay habka kalluun jilaabashada waxaa ka mid ah dalka Biritan oo shaqaale fiican ka helay.
Badda India, waxaa la sheegaa in kalluun aad u fara badan oo kala jaad ah uu ku nool yahay.
Somaliland waxa ay ka mid tahay dalalka ugu xeebta dheer wadamada caalamka siiba afrika.
Waxa xeebtaasi ka buuxa kalluun tiro badan hase ahaatee dadka Somalilan ayaan ka faa’iideysan.
Tirada dad kalluumaysatada ah ee jooga Somaliland waa kuwo aad u kooban marka la eego baaxadda badda.
Doonyada ay adeegsadaan tirida yar ee wax jilaabta waa kuwo aan tayaysneyn isla markaana aan wax badin lagu dabi karin.
Teeda dad kalluumeystada Somaliland waxa la sheegaa in qudhoodu aanay aqoon u laheyn habka kalluumeysiga.
Doonyaha yar yar ee Somaliland marka ay galaan badda xilliyada qaar waxaa suurta gal ah badda aanay ku fogaan oo aanay gaadhin meelihii kalluunka xoogiisa laga heli lahaa.
Taa waxaa sabab u ah doonyaha ay wataan kalluuamaysatada oo aan la isku haleyn karin iyo iyadoo daruufahaasi ay jiraan  ayaa hadana waxaa jira dad badan oo reer Somaliland oo masruufkooda badda ka raadsada.
Waxa jira xilliyo uu isbedel uu ku yimaado helista kalluunka,sida wakhtiga ay kacsan tahay badda iyo xilliga badd xidhanka.

Leave a Reply