Wax Badan ka Ogow Macluumaad Guud oo ku Saabsan Faa’iidada Cunista Kalluunka

0
80

Baadhitaano cusub oo la sameeyay ayaa la isku raacay in cuntada ay ku badan tahay saliida nooca loo yaqaano “Omega 3″ oo aad ugu badan nooc ka mid ah kalluunku ay yareyso cudurada ku dhaca maskaxda (dementia).
Cuduro badan oo ku caan baxay maskaxda ama keena waalida sida “Parkinson Disease”, “Alzheimar Disease” iyo “Pick’s Disease” ayaa waxay u noqonaysaa talaabo cusub oo lagaga hortagayo inuu cudurkani sii galaafto bukaano hor leh.
waxa kale oo saliidan laga helaa khudaarta iyo faruutka, laakiin qofkii cuna kalluun todobaadkii hal mar waxay ka yareynaysaa khatarta cudurada ku dhaca maskaxda 40%.
Inkastoo saliidaha qaar ay mushkilad kusii siyaadiyaan sida “Omega 6″ oo laga
helo ubaxa gabaldayaha.
Saliida “Omega 3″ oo ka mid ah saliidaha muhiimka u ah jidhka bani’aadamka ayaa
laga helaa “anti-oxidants” oo ka hortagta inuu dhaawac gaadho unugyada maskaxda.
Kalluunku guud ahaan wuxuu qani ku yahay maadada omega-3, maadadan waxay aad muhiim ugu tahay shaqada maskaxda si guud ahaaneed, maadadan jidhku sooma saaro, sidaa darteed waxa waajib ah in laga helo cunada gaar ahaan Kalluunka.
Kalluunka wuxuu leeyahay dufan aan badneyn, gaar ahaan cholesterol-ka nooca xun kuma badna, sidaa darteed wuxuu u wanaagsan yahay dadka dagaalka kula jira hilibka jidhkooda fuula, wuxuuna u wanaagsan yahay wadnaha iyo xididada. Sidoo kale kalluunku wuxuu qani ku yahay proteins badan, wuxuuna u wanaagsanyahay shaqada jidhka guud ahaan iyo dhismaha muruqyada iyo hagaajinta shaqadooda.
Wuxuu qani ku yahay vitamino badan gaar ahaan D iyo A, waxaana sidoo kale laga helaa macdano muhiim u ah shaqada jidhka.
Wuxuu ka hortag u yahay cudurada qaar, wuxuuna dawo uyahay xanuunada kala-goysyada iyo kuwa kale. Faa’iidooyinkaas iyo kuwa kaleba waxay inagu dhiiragalinayaan cunida kalluunka ugu yaraan todobaadkii hal mar.
Soomaalida ku nool waddama reer galbeedka ayaa waxa la arkay in markay qurbaha tagaan ay caafimaad qabaan, sanado kadibna ay la soo daristo caafimaad xumo. Dhakhaatiirta ayaa arrinkaas ku fasiray qorax la’aanta waddamada ay u soo hayaameen kadib markii ay arkeen sida uu u liito heerka fitamiin D Soomaalidii laga cabiray. Taas waxaa loo aaneeyaa maqaarkooda oo madow, hab-dhaqanka labiska, dhalmada isu dhow iyo iyaga oo aan ku fiicnayn cunada qaniga ku ah fitamiin D sida kalluunka.
Fitamiin D wuxuu kaalin libaax ka ciyaaraa habsami u shaqeynta jidhkeena iyo caafimaadka guud gaar ahaan koriinka, murqaha iyo lafaha. Dadka uu hooseeyo heerka fitamiinkaas badankoodu malaha wax calaamad ah, inkastoo laga yaabo inay isku arkaan daal, juuc-juuc iyo xanuun guud oo saameeya murqahaiyo lafaha.
Dhibaatadan waxa si gaar ah ugu nugul hooyada uurka leh iyo caruurta ka yar 5 sano. Raggana wuu asiibaa.
Mr. Gail oo ah sarkaal degan Ottawa kana tirsan Soomaali immigrant community ayaa wuxuu yidhi. “Haddii aad aragtid markay dadkani imanayeen halkan iyo sida caafimaadkoodu isu bedelo dhowr sanadood kadib way adag tahay in wax kale lagu fasiro oo aan ahayn faqriga fitamiin D. Dr Cannel oo isaguna wax ku qora website www.vitamindcouncil.org ayaa yidhi waa dambi waxa ku dhacaya dadka madow ee degan Ameerika iyo Kanada.” Isagu wuu ku talax tagay oo wuxuu hoos u dhaca heerka fitamiin D la xidhiidhiyay cudurada ku soo batay Soomaalida markay qurbaha tagaan sida autism, waalida, murugada, wadno-xanuunka, sonkorowga, dhiig-karka iyo stroke.
Soomaalida iyo dhakhaatiirta qurbaha ayaa is-nacay ka dib markay ku noq-noqdaan iyagoo ka cabanaya muruq iyo lafo xanuun maaro loo waayay taasoo badanaa dhakhaatiirtu aanay u tababarnayn sida loola tacaalo dhibkaas u gaarka ah muhaajiriintan waddankooda ku cusub. Dhakhaatiirta magaalada Bristol ayay yaab iyo amakaag riday dhibka kala haysta muruqyada iyo lafo xanuunka iyo Soomaalida degan Bristol.

 

Leave a Reply