Magaalada Boorama oo laga Xusay Maalinta Carruurta.

0
619

Borama (Dawan)  – Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal waxa lagu qabtay munaasibad lagu xusaayo maalinta carruurta adduunka.

Munaasibadaas waxa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska ee gobolka Awdal iyo xubno ka socday ururada ee gobolkaas ka dhisan.

Xubno socday ururada bulsahda oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in maadaama carruurtu yihiin mustaqbalkii dalka in loo baahan yahay in la iska kaashado sidii loo dhawri lahaa xuquuqdooda.

Ugu dambayn isu duwaha wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland Fardawsa Sheekh Siciid ayaa sheegtay wasaaraddu diyaar u tahay in ay sii xoojiso dhawrida xuquuda carruurta, waxaanay bulshada Somaliland ay u soo jeedisay in ay ka waantoobaan dhibaatooyinka ka dhanka ah carruurta ee u gadha jidh ahaan iyo maskax ahaanba.

Leave a Reply