Akhriska Badan Iyo Qiimiisa!

0
1079

Iyadoo gudaha ugu jirta Maktabadda aabheed ayay aragtay wiilkii ay guurka ku heshiiyeen oo soo gelaya , iyadoo aabaheed wakhtigaasi dhinac taagna.

Ka dibna si sarbeeb ah ayay wiilka ugu tidhi : “ Ma waxaan ka iibiyaa Buuga aad doonaysay ee magaciisu ahaa: “ Aabo ma jooga  guriga“ ee uu qoray Shakespeare. Iyadoo u cadaynaysa inuu aabaheed yahay ninka agtaagani.

Wiilka ayaa ku jawaabay :” Maya, waxaan rabay Kitaabka  magaciisu  ahaa “Xagee haboon inaan kugu arko” ee uu qoray qoraaga Ingiriiska ee Thomas.

Inantii  ayaa ugu jawaabtay :” Ma yaallo Kitaabkaasi, laakiin waxaan hayaa kitaabka la yidhaa ,  “Geedka Cambaha hoostiisa” ee uu qoray qoraaga Patrice Oliver ee Maraykanka ah “. Iyadoo u cadaynaysa goobta kulanka.

Aabaheed oo maqalaya  ayaa inantiisa ku yidhi:  “ Aabo waxan uu Kutub iyo buugaag ah ah miyaad akhrideen “?.   Waxaana ay ugu jawaabtay “ haa waan akhriyay “.

Waxayna sii raacisay: “Aabo wiilkuna waa mid akhris badan oo caqli badan, kama daallo akhriska, waana dadaal badan yahay, buugta wuu inaga iibsadaa had iyo jeer”.

Aabaheed ayaa ugu jawaabay: ”Aabo inantayday waad fiican tahay, laakiin waxa wanaagsan inuu akhriyo isagu kitaabka la yidhaa :”  Ma ahi Nacas, waan fahmaa wax kasta “ ee uu qoray qoraaga Frank Martinez oo Holand u dhashay” Isagoo uu muujinaya inuu qisada fahmay.  Adiguna aabo waxaad akhridaa kitaabka la yidhaa :” U diyaar Garow guur Berri” ee uu qoray qoraaga Ruushka ee  Maurice Henry. Isagoo u cadaynaya inuu berri nin u guurin doono. Dadka Akhrisku way is fahmaan.

Leave a Reply