Xirfadaha Tuugada Ee Kala Duwan!

0
999

Muddo yar ayaa ka soo wareegtay arooskooda lamaanahan keligood degan guriga, gaadhigooda oo guriga ay hor dhigteen ayaa laga xaday. Iyagoo raadintiisa ku jira ayaa maalintii labaad tuugii xaday isaga oo soo nadiifiyay oo maydhay ayuu soo dhigay isla guriga hortiisa.

Ninkii Markii uu gaadhiga furay wuxu ka helay warqad qoraal ah oo kelmadahan ku qoran yihiin: “ Waan ka xumahay aniga ayaa kaxaystay gaadhiga maxaa yeelay gabadhayda oo foolanaysa ayaan ku geeyay Isbitaalka mana haysan gaadhi aan ku qaado. Hadda waxaan kurisga danbe kuu saaray hadyad adiga iyo xaaskaaga taasi oo ah tigidhkii aad filimka ku gelaysaan caawa iyo macmacaankii aad ku cuni lahaydeen.

Ninkii wuu ilka cadeeyay waana uu faraxay, xaaskiisuna waxa ay ku farxaday weedhaha iyo hadyadda. Habeenki markii ay filimka tegeen waxa guriga ay ka maqan yihiin ku soo noqday tuugii oo genbi ahaantiiba waa uu xaday iyadoo ay ka buuxeen alaabooyin ka qaalisan gaadhiga.   Xirfadaha tuugtu waa kuwo yaab leh ayay noqon karaan marar badan. Gaadhiga dhan waxa uu u kaxaystay si uu guriga fursaddii uu ku xadi lahaa u diyaariyo.

Leave a Reply