Qof Kasta Aqoon U Gaar Aha Ayuu Leeyahay

0
370

Dalxiise Maraykan oo tegay jasiiradda Zanzibar ee dalka Tansaaniya ayaa weydiiyay wiil doonyaha dalxiisayaasha qaada kireeya oo uu markaasi raacay, isagoo doonayay inuu badda ugu tamashla geeyo, su’aashan: “ Miyaad aqoon u leedahay cilmiga barshada noolaha (Biology) , Cilmi nafsiga (psychology), Juqraafiga iyo cilmiga baadhista denbiyad (criminology) ”. Wiilka ayaa markiiba ugu jawaabay “ maya , ma aqaano midna “. Dalxiiska Maraykanka ayaa intaasi ka dib ku yidhi :” Waa maxay cadaabtan dunida ee aad ku jirtaa, waxaad u dhiman doonta jaahilnimo”.

Wiilka ayaa ugu jawaabaya: “ dhib ma leh “.  Muddo markii ay badda dhex tamashleeyeen ayay Doonida shil ku dhacay waxaana ay bilowday inay degto. Markii arinkii u cadaaday wiilka inay ay degeyso ayuu weydiiyay dalxiisaha Maraykanka ah su’ashan: “Ma taqaana dabaasha dabiiciga ah (swimology) , ma taqaana sida looga badbadaado xayawaanada badda “?   Dalxiisaha ayaa ku jawaabay :” Maya”.    Wiilka ayaa isuguna ku celiyay :” Haddaba maanta biyaha waad quusi doontaa waxaana ku cuni doona yaxaaska anigu kuma badbaadinayo, aqoontaadu haku badbaadiso”.   Aqoontu waa tan ku badbaadis wakhtiga halista ah. Ogow qof kasta waxa uu yaqaan ayaa jira ha xaqirin qofna.

Leave a Reply