Aqbalka Camalada Wanaagsan

0
483

Quraanka Kariimka ah ayuu Allah (sw) inoogu cadeeyay in kuwa isaga ka cabsada oo keliya laga aqbalo camalka ay sameeyaan. Labadii wiil ee uu dhalay Nebi Aadam ee sadaqada bixiyay oo mid la aqbalay , ayuu Allah (sw) ino cadeeyay inay sababtu tahay iyadoo Allah wax ka aqbalo oo keliya kuwa isaga cabsada.

Cali Binu Adu-dalib (rc) wuxu yidhi “ Noqda kuwa uu kaga adag yahay aqbalku samaynta camalka” Macnaha ku dadaala sidii camalkiina loo aqbalo samaynta taasi ayaa ka horaysa. Amiir Cumar Binu Khadaab (rc)  ayaan maalin miskiin usoo galay , markaasuu ku yidhi Wiilkiisa “ Sii hal Diinaar” wuu siiyay. Markii uu tegay ayuu wiilkiisu ku yidhi “ Aabo Allah hakaa aqbalo”. Cumar (rc) wuxu yidhi “ hadii aan ogaan lahaa in Allah (sw) sujuud keliya ama dirham aan sadaqad u bixiyay inuu iga aqbalay, waxaan jeclaan lahaa Geerida”.  In camalkaaga la aqbalaa waxay ku xidhan tahay cabsida Allah (sw) aad u qabto. Waana inuu noqdaa qof toosaan oo xaaraanta iska ilaaliyay.

Dadkii hore ee wanaagsanaa ((سلف الصالحwaxay hal hays u lahaayeen “ Haddii aan ogaan lahaa, in Allah (sw) salaad qudha iga aqbalay , taasi ayaa iiga khayr badnaan lahayd Aduunyada iyo wixii dhexdeeda yaalla”.   Samaynta camalkana waxa ka muhiimsan inaad ku dadaasho sida Allah (sw) u aqbalo inaad u fuliso.

Ibnu Mascuud waxa uu yidhi :” Inaan noqdo mid og in camalkayga la aqbalay, ayaa ka jeclaan lahaa dhulka muggii oo dahab ah”

Leave a Reply