Nin cabqariya oo Caqli badan (Wiseman) oo fadhiyay webiga dhiniciisa isagoo daawanaya quruxdiisa, ayaa arkay Dabaqalooc biyaha ku hafanaya.
Waxa uu isku deyay inuu gacantiisa kaga soo saar laakiin waa uu qaniinay, dib ayuu ugala booday ganactiisa. Wax yar ka dib markii uu xanuunkii ka bay ayuu haddana mar labaad isku deyay inuu ka soo qabto biyaha, laakiin haddana waa uu qaniinay isagoo qaylinaya ayuu kala soo booday.
Ilbidhiqsi ka dib ayuu isku deyay inuu mar sadexaad badbaadiyo. Laakiin nin agtiisa fadhiyay oo la yaaban ayaa ku qayliyay oo ku yidhi : “ waad isku dayday inaad badbaadiso bahalka oo mar kasta wuu ku qaniinayaa iska dhaaf markan sadexaad, sun ayuu leeyahay ?
Laakiin ninkii caqliga badnaa ayaa ugu jawaabay isagoo gacantiisa ku sii wada biyaha “ Dhaqanka daba qaloocu waa inuu wax qaniino, abuurka aadamiguna wuxu waafaaqsan yahay in sameeyo badbaadin ilaa inta uu karayo. Isagu debcigiisa ayuu wata, aniguna dabciga naxariista ee Aadamiga laga rabo ayaa wada. Markii ugua danbaysay waa uu ku guualaystay inuu badbaadiyo waxaana uu yidhi “ Guusha waxa lagu gaadhaa dadaal iyo adkaysi”.