Baaderi ka cadhaysiiyey Kiniisada Roman Catholic

0
619

Baadari ku sugan magaalada Sicily ayaa muran ka kiciyay Talyaaniga ka dib markii uu ka sheegay kulan diimeed todobaadkii hore ah oo carruur loo qabanayey in aana jirin waxa loo yaqaano, “Santa Claus.”. Santa Claus waa qof ka caan ah diinta kiristaan oo xidha Maryo Cas lana arko xuska ciida kirismiska/masiixiga.

Baaderi Antonio Staglianò  wuxuu kale oo dhaleeceeyey dharka Cas ee Santa Claus oo sheegay in ay qaadatay ama loo dooray Shirkada Coca-cola oo loo qaatay ujeedooyin xayeysiis. Kiniisada uu ka hadlayey oo lagu magacaabo Noto waxa loo soo jeediyey  cabashooyin ka yimid waalidiinta iyo sidoo kale baraha bulshada.

Sida lama filaanka ah ee hoggaamiyahan kiniisadda uu hadalku uga soo baxay isaga oo minbarka Kaniisadda taagan ayaa jahwareer ku noqotay  carruur  badan iyo waalid looga sheekayn jiray Santa Claus ayuu qoray wargayska Corriere .

Kiniisada Roman Catholic ee Sicily ayaa raali gelin ka bixisay. Baadari Alessandro Paolino oo u hadlayey Kiniisada  ayaa yidhi “Ugu horeyn, aniga oo ku hadlaya magaca hoggaamiyaha kiniisadda, waxaan muujinayaa sida aan uga xunahay bayaankan, kaas oo niyad jab ku abuuray dhallaanka yar yar

Wadaadkii hadalka jeediyey ayaa markii dambe sharraxay waxa uu uu u jeeday. Waxaana uu sheegay in Santa Claus aanu ahayn qof taariikhi ah sida St Nicholas”. Wadaadka oo sii waday hadalkiisa waxa kale uu sheegay in carruurtu u haystaan in Santa Claus uu yahay aabbahood ama adeerkood. Sidaa daraadeed ay jiraan riyooyin jaban.

Bayaanka lagu jawaabayey ayaa lagu qeexay in ujeeddooyinka hoggaamiyaha kiniisaddu ay aad uga duwan yihiin hadalka wadaadka hadlay, waxaana ay sheegeen in la muujiyo wacyigelin weyn oo ku saabsan macnaha Christmas iyo caadooyinka quruxda leh ee la socda.”

Santa Claus waxa kale oo loo yaqaan; Aabaha Kirismiska ama Santa Nicholas Santa Nick iyo kuwa kale waana qof laga keenay dhaqanka reer galbeedka, waana Nin Gadh cad oo xidha Maryo cas-cas iyo kabo madow. Wuxuu yimaadaa xilliga u diyaargarowga ciida Masiixiga oo carruurta u keenaa Hadyado, Nac-nac iyo waxyaabo lagu ciyaaro.

Leave a Reply