Jidka Qancinta Dadka Ka Soo Horjeeda!

0
517

Saynisyahankii Jarmalka u dhashay Albert Einstein wuxu ahaa asaasihii qaybo muhiim ah oo cilmiga Fiisigiska casriga ah ka mid ah.

Waxaana aqoontaasi iyo dadaalkaasi lagu siiyay abaal marinta caalmiga ah ee Noble Prize qaybta cilmiga. Intii uu baadhista cilmiga sayniska ku jiray waxa uu dhibaato kala kulmay dad badan oo ka soo horjeeday cilmi baadhista kuwaasi oo uu arkyay waxaan suurtagal ahayn inuu isku mashquulinayo.   Saynis yahankani waxa uu dadka ku soo jiitay iskuna jeclaysiiyay in uu maray jidka ugu muhiimsan qancinta qofka kaa soo horjeeda.

Sidaa awgeed waxa uu leeyahay xikmado iyo halku-dhegyo uu dadkaasi ku qanciyay oo ay ka mid yihiin:

“Koritaanka maskaxda aadamigu waxay la bilaabantaa dhalashadiisa, mana joogsato ilaa inta uu ka dhimanayo”. Waxaana uu ujeeda in qofku wakhti kasta u baahan yahay cilmi iyo aqoon si maskaxdiisu  u korto sida jidhkiisuba ugu baahan yahay raashinka.

Leave a Reply