Raiisal wasaaraha Hindiya Modi oo la jabsaday Twitter-kiisa laguna faafiyey fariin

0
622

Bogga Twitter-ka ee Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa la jabsaday waxaana lagu soo diray fariin uu ku sheegayo in India ay qaadatay lacagta loo yaqaano bitcoin si sharci ahna ay ugu qeybin doonto dhammaan muwaadiniinta.

Tweeter-ka ayaa si degdeg ah loo tirtiray, xafiiskiisana waxa uu sheegay in akoonka si kooban loo jabiyay.

Waa markii labaad ee Mr Modi la jabsado akoonkiisa Twitter-ka.

Modi waa nin aad ugu xeel dheer tweeter-ka wuxuuna leeyahay in ka badan 70 milyan oo taageerayaal ah – waana ka ugu badan hoggaamiyeyaasha adduunka.

Tweeter-ka la tirtiray ee cinwaankiisa @narendramodi ayaa lagu sheegay in dowladda Hindiya ay si rasmi ah u iibsatay 500 oo bitcoin ah “ayna u qaybinayso dhammaan dadka deggan dalka”.

Sannadkii hore, sidan oo kale ayaa loo jabsaday akoonkiisa waxaana lagu soo diray fariin uu dadka ku boorinayo inay ku tabarucaan sanduuqa gargaarka ee Covid oo been abuur ahaa.

Jabsiga ugu dambeeyay ayaa imanaya iyada oo Hindiya ay isku diyaarineyso inay ka hortagto ganacsiga cryptocurrency ee sii kordhaya, iyada oo sharci cusub ay u badan tahay in la horgeeyo baarlamaanka bishan.

Mr Modi laftiisa ayaa bishii hore sheegay in lacagaha loo yaqaan ‘cryptocurrencies’ ay “kharribi karaan dhalinyaradeena”.  Cryptocurrency waa nidaam ganacsi oo Digital laguna ganacsado Internet-ka

Leave a Reply