Tallaaboyinka Togan Ayaa Ah Horumarka!

0
778

Wuxu ka shaqaynayay wershad qoryaha samaysa oo weyn muddo dheer, markii usoo gaadhay 4o sano wuxu ahaa mid khibrad leh. Subax hore markii uu shaqada soo galay ayuu ku wargeliyay maamulaha wershadu inuu shaqadii ka eryay isla markaana dood iyo beryo midna loo baahnayn. Waa uu iska baxay isagoo cadho iyo murugo ka buuxdo, aaminsan in albaabkii kelida ahaa ee risiqiisa la xidhay “ . Waxaana uu yidhi “Markii ay xoogaygii ku shaqaysteen ayay sidan sameeyeen”? Markii uu gabadhiisa u tegey isagoo murugo xooggani ka muuqato ee uu sheegay arrinka, kama ay soo qaadan wax dhib badan sida ay isaga ugu muuqatay waxaana ay ku tidhi: “ dhib ma leh gurigeena ayaan iibnayna oo aan ku ganacsan doonaa, werwerka iska dhaaf ”?  sidaasi ayuu yeelay waxaana uu lacagta guriga ku bilaabay inuu ku dhiso guryo oo haddana sii iibiyo. Markii  u horeyeey waxa uu dhisay laba guri oo uu iibiyay waxaana uga soo baxay macaash fiican.

Shan sano ka dib wuxu noqday maalqabeen weyn oo caan ka ah dalka Maraykanka. Ninkaasi waxa lagu magacaaba Wallace Johnson oo dalka Maraykanka ka aad looga yaqaano,  isla markaana dhisay huteelada iyaguna caanka ah ee lagu magacaabo Holiday Inn iyo kuwo kale oo badan.

Johnson Waxa uu ku qoray buugiisa xusuus qorka weedha ah :“ haddaan ogaan lahaa ninkii shaqada iga eryay halkuu joogo, waxaan uga mahad niqi lahaa abaalka uu ii galay.

Xaqiiqdii waan murugooday markuu eryay laakiin haddana manta waxan fahmay in albaabkii iga xidhmay mid ka waaagsan aan helay, kaasi oo waxtar u yeeshay naftayda , qoyskayga iyo dunida kaleba inta aanu macaamilka yeelanay.  Odaygani ugu danbayntii waxa uu dhintay xanuun wadnaha ah sanadkii sanadkii 1988 isagoo da’diisu tahay 86 sano.

 

 

Leave a Reply