Laura Shepard: gabadhii ugu horreysay ee cirbixiyeennada Maraykanka ah ee hawada tagta

0
706

Gabadh uu dhalay cirbixiyeenkii ugu horeeyay ee Maraykan ah, Alan Shepard, ayaa ku u baxday hawada sare – 60 sano kadib duulimadkii aabaheed.

Laura Shepard Churchley, oo 74 jir ah, ayaa ka mid noqotay lix qof oo ku safray dayaarad ganacsi oo ay hawada u dirtay shirkadda Jeff Bezos ee Blue Origin.

Rakaabku waxa ay muddo kooban awood u yeesheen in ay la kulmaan eber cuf-jiidad ee duullimaadka hawada-hoosaadka.

Duulimaadka ayaa ahaa kii saddexaad ee ay bilawdo Blue Origin sanadka 2021 iyada oo doonaysa in ay qabsato suuqa dalxiiska ee hawada sare.

Ms Shepard Churchley aabaheed Alan Shepard, oo dhintay 1998-kii, ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee Maraykan ah oo hawada sare mara, kaddib markii diyaaraddii Mercury ay kala duushay Florida Cape Canaveral 5-tii May 1961-kii.

Xidigii hore ee NFL iyo Barnaamijka Good Morning America Michael Strahan ayaa sidoo kale ka mid ahaa duulimaadka lixda qof ee Sabtidii iyo sidoo kale afar kale oo macaamiil ah oo lacag bixisay.

Waa markii ugu horeysay ee diyaaradan Blue Origin ay buuxiso dhammaan lixda kursi ee gantaalkeedan cusub ee Shepard, kaas oo loogu magac daray cirbixiyeenka Alan Shepard.

Iyada oo ay dib u dhacday muddo laba maalmood ah dabaylo xooggan, duulimaadka ayaa ugu dambeyntii ka kacday xarunta shirkadda ee u dhow magaalada miyiga ah ee Van Horn, Texas.

Duulimaadka gantaalkan ayaa raacay waddo la mid ah wadadii gantaaladii ay shirkaddu riday. ilaa 10 daqiiqo ayuu ku gaadhay joog dhan 62 mayl (100km), waana duulimaadkii ka gaaban kii ka horeeyay ee Alan Shepard.

 

 

Leave a Reply