Nimcada Indhaha Iyo Arragga Midabka!

0
388

Jasiiradda Arkhabil oo ku taalla badweynta basifiga ee dacalka ku haysa dalalka Filpin iyo Indonesiya wakhtigan waxa degan dad tiradooda lagu qiyaasay 7000 qof  oo dhamaantood qaba xanuunka indho la’aanta midabka.  Bulshadan ayaan iyagu aan kala fahmi karin midabka biyaha Badda ama samada, ee buluuga ah iyo kan dooga ee akhdarka waxaana uu ugu muuqda si isku mid ah.

Bulshadani waxa keliya ee ay arkaan waa midabada cadaanka iyo madowga. Xanuunkan oo dunida guud ahaan ah mid aad dhif ah, haddana dadka tuulada degani waa mid ay hiddo u leeyihiin, sababtoo ah ma ogola in qof aan iyaga ahayn uu guursado gabadha ama ninku gabadh soo guursado.

Waxa kale oo la sheegay in qarnigii 17 uu ku dhacay duufaan baabiiyay kaasi oo bulshadii ku noolayd ka soo reebay 20 qof keliya. Dadkan ayaa aad u shaqaysta habeenkii ka dib markii uu aragoodu xoogan yahay habeenkii. Nimcada arragga waxa dareemaya keliya kuwa uu arragaasi iyo kala saarista midabadu ay ka maqan tahay. Waxa wanaagsan in qofku Allah (sw) ugu mahadnaqo dhamaystirka aragiisa.

 

Leave a Reply