“Suuqa Kalluunka Waxa Ku Shaqaysan Doona Hooyada Danyarta Ah” Maayar Cidin

0
356

Berbera-(Dawan)-Dawladda Hoose ee magaalada Berbera ayaa dhisaysa suuq u gaar iibka kalluunka oo ay ku shaqaysan doonaan dadka danyarta ah ee aan haysan lacag ay iskaga bixiyaan goobaha kirada ah.

 

 

Maayarka Berbera, Cabdishakuur Muxumed Xasan Cidin ayaa sheegay in suuqa ay ku shaqaysan doonan haweenka danyarta ee ka gacansada iibinta kallunka kasoo baxa badda Berbera.

 

“Maanta waxaan dhagax dhigaynaa sariibad/suuqa kalluumaysiga Berbera oo ay ku shaqaysan doonaan hooyooyinka danyarta ah ee iska bixin kari waayey kirada, waxa uu noqon doona suuq calaami ah “ayuu yidhi

 

Mashruucan ayaa waxa dawladda hoose ka taageeraysa ha’yadda USAID oo laga leeyahay dalka Ingiriiska.

 

 

Maayarka Berbera, Cabdishakuur Muxumed Xasan Cidin ayaa sheegay in ay hore u hirgeliyeen suuq u gaar ah caanaha oo hadda si fiican u shaqeeya kaasi oo xilli walba furan.

 

 

 

 

 

Leave a Reply