Somaliland iyo Maraykanka oo iska-kaashanaaya Amniga iyo Horumarka Gobolka

0
521

“Waxa aannu ka wada-hadalnay nabad-gelyada, doorashooyinka, Dimuqraddiyadda iyo horumarka gobolka Geeska Africa” Madaxweyne Muuse

 

Qore: Saciid Cagjar

 

Hargeysa-(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu shalay Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti ballaadhan oo ka socda Congress-ka Mareykanka oo safar shaqo ku yimi Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xubnaha weftiga xog-warran guud ka siiyey horumarka ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland soddonkii sanno ee u danbeeyey, isagoo madaxweynuhu xusay in isku duubni iyo qori isu dhiib lagu soo gaadhay halkan, kaas oo ay iska kaashadeen shacbiga iyo dawladdu kuna ilaashadeen nabadgelyada, horumarka, dimuquraaddiyadda iyo doorashooyinka, taas oo sababtay in beesha caalamku indhaha ku hayso isbeddelka ay Somaliland ku hoggaaminayso Dimuquraaddiyadda Afrika iyo dalal badan oo caalamka ahba, marka loo eego dal aan la aqoonsan oo haddana gaadhay himilooyinkaa aan weli ka hana qaadin qaaradda afrika ee dhinaca doorashooyinka iyo nidaanka xisbiyada badan.

 

“Waxa aan ku faraxsanahay in maanta dalkeenna ay si joogto ah ugu soo qulqulayaan wufuud kala duwan oo ka imanaysa dalal kala duwan oo adduunka ah. Waxa aan maanta qaabiley  wefti ka socda Congress-ka Maraykanka. Waxa aannu ka wada-hadalnay xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, nabad-gelyada, doorashooyinka, Dimuqraddiyadda iyo horumarka gobolka Geeska Africa.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu

 

Dhinacooda, xubnaha weftigu waxay madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland uga mahadnaqeen soo dhaweynta milgaha iyo maamuusku ku dheehan yahay ee lagu qaabiley markii ay dalka soo gaadheen, waxaanay ka markhaati kaceen horumarka, iyo Dimuquraaddiyadda ka muuqata dalka, iyagoo ballan qaaday inay warbixin buuxda oo la xidhiidha horumarka iyo Dimuqraaddiyadda ka jirta Somaliland ay geyn doonaan, Congress-ka Maraykanka ee ay metelayaan. Sidoo kale waxay xuseen in ay Somaliland ku taallo goob isteraatiiji ah, kuna ammaanan tahay arrimaha doorashooyinka ee ay qabsatay.

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ee dhinaca amniga, safiirka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka iyo Agaasimaha machadka nabada iyo xalinta khilaafaadka.

 

Weftigan oo maalintii shalay dalka yimi, waxay kulamo muhiima oo gaar-gaar ah la yeesheen, xubno ka mida labada gole ee guurtida iyo wakiillada, ururada haweenka, Jaamacadda Hargeysa oo habeenkii xalay ahaa weftiga u samaysay munaasibad casho ah, iyagoo kulan kalena maanta la qaatay wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha dibadda, Gudaha ee dhinaca amniga, horumarinta maaliyadda, Caafimaadka, Qorshaynta iyo Deegaanka.

 

Leave a Reply