Maxaa askarigan loo siiyay abaalmarinta ugu sarreysa ee militariga Maraykanka?

0
695

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa abaalmarinta militari ee ugu sarreysa guddoonsiiyay saddex askari, oo uu ku jiro askarigii ugu horreeyay ee madow ah ee tan iyo Dagaalkii Vietnam.

Saajin Alwyn Cashe ayaa u geeriyooday gubasho xilli uu ciidamo ka badbaadinayay gaadhiga ciidamada oo gubanaya iyaga oo ku sugnaa Ciraaq.

Wuxuu sidoo kale noqonayaa askarigii ugu horreeyay ee madow ah ee hela abaalmarinta Medal of Honor intii ay socdeen dagaalladii Maraykanka ee Ciraaq iyo Afghanistan.

Labo askari oo kale ayaa abaalmarintan lagu siiyay sababo la xidhiidha inay badbaadiyeen nolosha ciidamada.

Saajin Cashe, oo 35 jir ahaa, ayaa geeriyooday kaddib markii bambo waddada dhinaceeda la dhigay ay ku qaraxday gaadhigiisa bishii October 2005, taas oo qarxisay taangigii shidaalka ee gaadhiga.

Kaddib markii isaga iyo sarkaal kale ay damiyeen dabkii qabsaday darawalkooda ayna bannaanka u soo bixiyeen, dharkii uu sitay, oo shidaal uu qooyay, ayaa waxaa qabsaday dab.

Jirkiisa oo 75% heer labaad iyo heer saddexaadba gubtay, ayaa wuxuu isku dayay inuu mid mid gaadhiga uga badbaadiyo lix askari iyo turjumaan Ciraaq u dhashay. Saddex toddobaad kaddib ayuu u geeriyooday dhaawacyada ka soo gaadhay qaraxa.

“Ma jiro askari gacantiisa ku dayacmaya,” ayuu yidhi Biden oo ka hadlayay xaflad lagu qabtay Aqalka Cad.

“Waa askariga askarta, dagaal-yahan soo dhex maray dab si uu ciidankiisa u badbaadiyo,” ayuu yidhi, iyadoo xaaska iyo carruurta saajin Cashe ay ka mid ahaayeen dadweynihii xafladda ka soo qeyb galayy.

Shuruudaha waxaa ka mid ah in askarta abaalmarinta la soo magacaabo muddo shan sano gudahood kaddib ficilkooda geesinnimada leh, balse sanadkii la soo dhaafay Kongareeska ayaa meel mariyay sharci Saajin Cashe u saamaxaya in la siiyo abaalmarinta. Waxay ku soo aadeysaa sanado kaddib markii ciidamada iyo xubnaha qoysaskooda ay u doodeen in la horumariyo abaalmarinta Silver Star.

Sida laga soo xigtay wargeyska Washington Post, madaxweynihii hore Donald Trump ayaa qorsheynayay inuu abaalmarinta Medal of Honor u hibeeyo saajin Cashe ka hor inta aanu ka tegin Aqalka Cad bishii January, balse qorshahaas ayaa meesha laga saaray sababo la xidhiidha walaac ammaan kaddib markii taageerayaasha Trump ay galeen dhismaha US Capitol.

Biden ayaa sidoo kale Medal of Honor saajin Earl Plumlee, oo 41 jir ah, oo ku muteystay doorkii uu ku lahaa iska caabbinta weerar lagu soo qaada saldhiggiisa ku yaallay gobolka Ghazni ee Afghanistan sanadkii 2013.

Kaddib markii ay kooxdaha kacdoonka waday gadhi xamuul oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ku qarxiyeen bannaanka saldhigga militariga, taas oo u saamaxaysa in kuwa is miidaamiya iyo kuwa qoryaha sita ay gudaha u galaan saldhigga, ayaa askarigan iyo ciidamo kale waxay badbaadiyeen ciidamadoodii dhaawaca ahaa.

“Isagoo aan innaba dan ka galeyn badqabkiisa, ayuu dhexda ka galay kooxihii weerarka soo qaaday isaga oo dhowr ka mid ah isaga caabbiyay bistooladdiisa,” ayaa lagu xusay qoraalka laga sameeyay geesinnimada askarigan.

Saajin Plumlee ayaa dhowr jeer ka babaaday weerarro is miidaamin ah, waxaana keliya ka soo gaaray dhaawacyo fudud.

“Weli ma garanayo sababta aysan iila helin,” ayuu u sheegay Washington Post.

Sidoo kale saajin Christopher Celiz oo isna abaalmarintan la guddoonsiiyay ayaa sanadkii 2018 ku geriyooday gobolka Pakita ee dalka Afghanistan xilli uu gacan siinayay diyaarad helikobtar oo caafimaad taas oo qaadeysay dhaawacyo.

Kaddib markii weerar yahanno badan ay soo weerareen ciidamadiisa, wuxuu ku dhex cararay meel ay xabbaduhu sidii roobka ugu qubanayaan kaddibna wuxuu soo badbaadiyay hub fara badan oo dagaalka lagu galo.

Iyada oo diyaaraddu ay isku diyaarineyso inay duusho, ayaa wuxuu jirkiisa gaashaan uga dhigay in la beegsado rakaabkii diyaaradda. Markii ay diyaaradda kacdayna waxaa rasaas la haleeyay weerar yahannada, balse wuxuu eegay ciidamadiida oo uu u sheegay inay hore u socdaan oo dagaalka sii wadaan isaga la’aantiis.

“Wuu ogaa in rasaas ay ku dhacday balse wuxuu u gacan haatiyay shaqaalaha diyaaradda oo uu u sheegay inay baxaan isaga la’aantiis,” ayuu yidhi Biden. “Isaga oo ku jiray xaalad ammaan oo aad halis u ah, ayaa wuxuu muhiimadda siiyay badqabka kooxdiisa iyo shaqaalaha diyaaradda.”

 

Leave a Reply