Maxay tahay sababta kumannaan haween ah oo reer Hindiya ahi ay isu dilaan sannad kasta?

0
661

Maxay tahay sababta kumannaan haween ah oo reer Hindiya ahi ay isu dilaan sannad kasta?

Marka loo eego xogta dhowaan ay soo saartay Xafiiska Diiwaangelinta Dembiyada Qaranka ee dawladda (NCRB), 22,372 haween guri leh ayaa naftooda dilay sannadkii hore – taas oo celcelis ahaan noqonaysaa in maalintii ay is-dilaan 61 haween ama 25-kii daqiiqoba ay hal haween ahi nafta iska qaado.

Haweenka guriga leh ee is dilay, boqolkiiba 14.6% ayey ka haayeen wadarta guud ee loo diiwaan geliyey in ay is dileen sanadkii 2020, kuwaas oo dhan 153,052 qof, waana in ka badan boqolkiiba 50%  marla loo eego guud ahaan haweenka is dilay.

Laga soo bilaabo sanadkii 1997 oo ahaa markii NCRB ay bilawday ururinta xogta is-miidaaminta ee ku salaysan shaqada, in ka badan 20,000 oo haween guri ah ayaa isdilay sanad kasta. Way sii kordhaysay sanad kasta sannadkii 2009, tiradoodu waxay gaadhay 25,092.

Warbixinaha arrimahan ka hadlaa had iyo jeer is-dilitaanka noocaas ah u riixaan in ay sabab u yihiin “dhibaatooyinka qoyska” ama “arimaha guurka la xidhiidha”. Laakiin, waa su’aal taagan dhab ahaantii arrimaha kumanaan haween ah ku riixaya inay naftooda dilaan?

Khubarada caafimaadka cilmi nafsigu waxay ku sheegeen in sababta ugu weyni ay tahay xadgudubyada qoyska ka dhasha.  Boqolkiiba 30% dhammaan haweenka lagu waraystay baadhitaan ay dhowaan dawladu samaysay ayaa sheegay in ay la kulmeen xad-gudubyada lammaanaha – sidoo kale isticmaalka maandooriyaha ee maalinlaha ah ayaa guurka ka dhigi kara mid cabudhin ah. Is qabadka guryaha ayaa isna qayb ka ah dhibaatada.

“Haweenku runtii waa adkeys badan yihiini, laakiin waxaa jira xad loo dulqaadan karo,” ayay tidhi Dr Usha Verma Srivastava, oo ka hawl gasha xarun caafimaad oo cilmi-nafsiga ah, kuna taal waqooyiga magaalada Varanasi.

Inta badan hablaha waxa la guursadaa marka ay 18 jir gaadhaan – da’da sharciga ah ee guurka, waxa ay noqotaa xaas, waxa guriga la joogta gabadh soddohda u ah, maalinteeda oo dhamina waxay ku dhammaataa guriga, cunto karis, nadiifin iyo hawlaha guriga. Waxaa la dulsaaraa hawlo badan, waxay haysataa xoriyad shakhsiyeed sidoo kale waxa aad u yar oo ay dhif tahay inay hesho wax lacag ah oo iyada u gaar ah.

“Waxbarashadii iyo riyooyinkeedii ay lahayd meesha way ka baxaan, hammigeedu wuxuu bilaabay inuu si tartiib tartiib ah u damo, rajo-xumo iyo niyad-jabna ayaa ku dhacay wax keliya ee u soo hadhay wuxuu noqdaa jidh-dil.”sidaa waxa tidhi Dr Verma Srivastava.

Dr Verma Srivastava oo ka hadlaysay is dilka Dumarka da’da weyn, waxay sheegtay in sababuhu kala duwan yihiin.

“Qaar badan ayaa la kulma xannuunka guriga oo madhan ama lagu cidleeyo ka dib markii ay caruurtu koreen oo ay guri yeesheen. Qaar badanna waxay la kulmaan xannuuno ka dhasha cidlada oo sababi kara niyad-jab iyo oohin.”

Laakiin is-dilku, ayay tidhi, si sahal ah ayaa looga hortegi karaa. Waxay tilmaantay hadii waxyaabo fudud la joojin lahaa, ay fursado badan oo badbaado iman lahaayeen.

Waxa  sababtaa oo ah taageeray dhakhtarka dhimirka ee Soumitra Pathare, dad badan oo Hindi ah ayaa is dilkoodu ku dhacaa si deg-deg ah oo la sii qorshayn. Tusaale  “Nin  baa guriga imanay, ka dibna xaaskii ayuu garaac ku bilaabayaa, iyaduna way is dilaysaa.”

Cilmi-baadhis madax-bannaan oo uu sameeyey Soumitra Pathare,  ayuu ku sheegay in saddex-meelood meel haweenka Hindida ah ee nafta iska qaaday taariikhooda sheegtay inay la kulmaan rabshad qoys. Laakin Soumitra Pathare waxa uu sheegay in rabshadaha qoyska xataa aan lagu xusin sababaha xogta NCRB.

Chaitali Sinha, oo ah khabiir ku takhasusay cilmu-nafsiga oo ka tirsan barnaamijka caafimaadka dhimirka ee Bangalore ee Wysa, ayaa leh “haween badan oo ku sii jira xaalad fir fircoon oo rabshada qoyska ka mid ah ayaan bad qabkooda aan la wadaagi karin cid kale sababta oo ah taageerada aan rasmiga ahayn ee ay helaan darteed”.

“Haweenka guryuhu waxay lahaayeen meel ammaan ah ka dib markii raggu ay shaqada tagaan, oo way ku nafisi jireen, laakiin taasi waa la waayay intii lagu jiray aafada Covid.

Hindiya ayaa haysata tirada ugu badan ee dadka isdila caalamka: Ragga Hindiya ayaa afar meelood meel ka noqday is-dilayaasha caalamka, halka dumarka Hindiya ay boqolkiiba 36% ka yihiin dhammaan isdilayaashii caalamiga ah. Dumarka is dilaya ee Hindiyana waxa  da’doodu u dhaxaysaa 15 ilaa 39 sano.

“Qaramada Midoobay bartilmaameedkeedu waa in saddex meelood meel dunida laga dhimo isdilka marka la gaadho 2030, laakiin sanadkii la soo dhaafay, Hindiya wuu sii kordhay 10% marka la barbardhigo sannadkii hore.

 

 

Leave a Reply