Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL oo Kormeeray Gobolka Sool

0
492

Laascaanood (Dawan)- Wefti uu hoggaaminayo wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed
Kaahin Axmed, oo uu wehelinayay badhasaabka gobolka Sool Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye, ayaa safar kormeer
ah ku tagay deegaamo ka tirsan gobolka Sool.
Waxa kaloo wasiirka iyo badhasaabka kormeerkaasi ku wehelinayay taliyaha Qaybta Booliska Sool Axmed Cali
Shire (Duuble) iyo Taliyaha Aagga Bari ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Cali Barre Xuseen, iyo
taliyaha saldhiga booliska magaaladda Laascaanood iyo masuuliyiin kale.
Waxaanay weftigaasi kormeerkoodda ku soo mareen deegaamo badan oo ay ka mid ahaayeen degmooyinka Xudun
iyo Laascanood ee gobolka Sool. Weftidan ayaa ujeedadda safarkoodu ahaa u kuur galka xaalada nabad-gelyo iyo
nololeed ee deegaamadaasi iyo xogogaal u noqoshadda xaalada guud ee Amniga.
Meelihii ay weftigaasi kormeerka ku soo mareen waxaa kaloo ka mid ahaa Sin-dhoobo, Kalax, Jid-baalle, Lafo-
weyne, Caday-buur, Dib-shabeel, iyo degaamo kale oo dhaca Nugaasha gobolka Sool.
Waxaanay weftigaasi kulamo is xog waraysi ah la qaateen qaybaha kala duwan ee bulshadda deegaamadii ay soo
marreen. Iyadoona ay odayaasha, iyo waxgaradka deegaamadaasi ay ka xog waraysteen xaaladaha nabad geliyo.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo weftigan uu hogaaminayay ayaa waxgaradka iyo odayaasha deegaamadii ay
kormeerka ku soo mareen in ay ilaaliyaan nabad geliyadda iyo xasiloonidda deegaankoodda. Kana shaqeeyaan
horumarka iyo isku tiirsanaanta bulshadda.
Geesta kale weftigani uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa
maalmahan ba waxay safar la xidhiidha adkaynta nabad geliyadda ku joogay magaaladda Laascaanood ee xarunta
gobolka Sool. Waxaana la filayaa in wasiirka iyo masuuliyiinta gobolka Sool in ay safarro kale ku soo maraan
deegaamo kale oo ka tirsan gobolka Sool.

Leave a Reply