Ciyaaryahan lama Filaan ah oo Jabiyay Rekoodhkii 10-ka Sano la Loodin la’aa ee Messi

0
571

Hoggaamiyaha kooxda Ajax ee Dusan Tadic ee ayaa jabiyay mid kamida rekoodhadii mudada dheer u yaalay xiddiga Paris Saint-Germain ee Lionel Messi oo ahaa rekoodhka hal sano ee gool caawimooyinka ugu badan.

Messi ayaa sanadkii 2011 sameeyay rekoodhka ah inuu diiwaan gashaday 36 caawimo waxaana ciyaaryahan gaadha hal sano tiradaas la waayay mudo tobban sano ah.

Si kastaba, waxa haatan dhaafay rekoodhkaas oo mid cusub dhigay Dusan Tadic oo sameeyay 37 caawimo sanadkan 2021, waxa jirta wali fursad uu ciyaaryahanka Serbian-ka ahi kusii dheeraysan karo rekoodhka labada kulan ee sanadka uga hadhsan ee ay la kala leeyihiin Fortuna Sittard iyo Feyenoord.

Messi ayaa rekoodhka ku sameeyay isaga oo ka tirsan kooxdii Barcelona ee 2011 oo ah kooxaha loo tixgeliyo mid kamida kuwii ugu fiicnaa taariikhda isaga oo sanadkaan Champions League iyo La Liga la qaaday.

Tadic oo hore ugu soo ciyaaray Southampton ayaa sanadkan 2021 si weyn ugu soo raaxaystay isaga oo labada koob ee maxaliga ah soo qaaday isla markaana kusoo guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanada sanadka ee carriga Dutch-ka.

Walow uu 33 sano jir yahay, Dusan ayaan wali muujinayn wax calaamado ah oo hoos u dhac tilmaamaya, ilaa haatan xilli ciyaareedkan ayuu 11 caawimo kasoo sameeyay horyaalka Eredevise.

Si lamid ah fursad samayntiisa, sidoo kale Tadic ayaa halis ku ah goolka kooxda kale waxaana uu soo diiwaan gashaday lix gool oo Eredevise ah.

 

Leave a Reply