Juventus oo Pierre-Emerick Aubameyang ka Badbaadinaysa Arsenal

0
497

Weeraryahanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lagu soo waramayaa in uu bartilmaameed u noqday kooxda Juventus suuqa January.

Mustaqbalka Aubameyang ee Arsenal ayaa u muuqda mid dhamaaday kadib markii laga qaaday masuuliyada kabtanimo ee kooxda isla markaas laga ganaaxay kulamadii ugu dambeeyay ee kooxda.

Xiddiga reer Gabon ayaa seegay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee kooxdiisa isaga oo aan xataa tababarka haatan la qaadan kooxda 1-aad.

Sida laga soo xigtay Tuttosport, Juventus ayaa doonaysa in ay ka faa’iidaysato xaalada weliba u dhaqaaqdo saxeexa xiddiga suuqa January.

Kadib markii ay ku fashilmeen in ay u tartamaan horyaalka labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay kana mid yahay xilli ciyaareedkan, Juventus ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan cusub oo ay ku xoojiso kooxda xilli ciyaareedkan.

Leave a Reply