Geesinimadu Waa Daacadnimada!

0
582

Daacadnimadu waa astaan wanaagsan , waana sifada dadka caanka ku ahi ay inta kale dheer
yihiin. In qofku uu daacad ka noqdo shaqadiisa, masuuliyadiisa, kelmadihiisa iyo dhinac kasta oo
nolosha ah waa mid muhiim ah oo mujinaysa geesnimada qofkaasi. Waana astaamaha
horumarkiisa. Dadka daacadda ah ee shaqadooda jeceli waa kuwa guulaysta.

Qofku wuxu noqon karaa
mid wanaagsan marka uu
xidhiidhka dadka kale uu
la leeyahay ka dhigo mid
ku dhisan daacadnimo iyo
akhlaaq wanaagsan.
Geesnimada iyo
Ragnimadu ma noqon
karto inuu qofku noqodo
tuug, afmiishaar, khaayin
iyo afku xoogle dadka ku
cabsi geliya wedhihiisa.
Qofka daacadda ah dadka
oo dhan ayaa aamina,
halka ka aan sifadaa

lahayn aaminadiisu shaki geliyaan.
Haddii aad daacad noqon weydo waxaad noqonaysaa qof nolosha dhib badan kala kulma oo aan
ku guulaysan horumarkeeda. Daacadnimaduna waa xeelad weyn oo aad ku kasban karto wax
kasta. Daacadnimadu waa cutubka koowaad ee siyaasadda nolosha.

Leave a Reply