Xubno ka Tirsan Garsoorka oo Tabobar loo Furay .

0
320

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, Cali Suudi Diiriye, oo ay wehelinayeen guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Yaxye Xuseen Yuusuf iyo Madaxa Tababarada Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahin, ayaa shalay tabobar u furay, 25 xubnood oo iskugu jira Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Degmada Hargeysa iyo Xeer ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex.

Tababarkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa ku qotoma nidaamka gar-qaadista, baadhida iyo u dhabbo-galka cadaymaha iyo hab-dhaqannada wanaagsan ee Diinteena Islaamku fartay qofka ku suntan garsooraha (qaadiga) iyo hawl-wadeenada kale ee garsoorka.

Tababarkan oo ay soo qaban-qaabisay Maxkamadda Sare, ayaa ah kii labaad ee la xidhiidha mawduucan, waxaana daadihinayay, Dr. Ciise Maxamuud Cabdilaahi iyo Dr. Xuseen Xasan Cali oo ah xeel dheerayaal aqoon dheer u leh Shareecada Islaamka iyo Garsoorka.

Furitaanka tababarka waxa ka hadlay Dr Xuseen Xasan Cali oo bixinayay tababarka iyo guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Yaxye Xuseen Yuusuf, waxaanay tibaaxeen doorka togan iyo ahmiyada uu leeyahay tababarkani.

Ugu danbayn waxa tababarka furay guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, waxaanu xubnaha ka soo qayb galay tababarka kula dardaarmay in ay ku dadaalaan sidii ay aqoontooda u kordhin lahaayeen, waxaanu hoosta ka xariiqay ahmiyadda aqoon is-waydaarsiga iyo faa’iidada ku duugan.

Sidoo kale, guddoomiye Cali Suudi, waxa uu kula dardaarmay ka qayb-galayaasha in ay marwalba la jaan-qaadaan isbedelada dunnida isagoo arrimahaa ka hadlayana wuxuu yidhi “Adduunyadu waxay ku kala horumartaa sida bulshada ku nooli sharciga u taqaano ee ay sharciga u ixtiraamto. Innaguna sharcigii baynu u haynaa, kuwii sharciga dabaqayay baynu nahay, xeer ilaaliyayaashii iyo garsoorayaashii. Markaa waxa la inanga doonayaa maadaama oo marwalba dambiyo cusubi dhalanayaan in garsooruhu (xaakimku) marwalba diyaar u ahaado sidii uu ula jaan-qaadi lahaa”. Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ay lama-huraan tahay in qofku dhugmo u yeesho arrimaha uu tabayo si uu aqoontiisa hadba waxa ka dhiman u kordhisto, taasi oo uu sheegay in tababarkani qayb ka yahay dedaalada uu guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ugu jiro in kor loo qaado aqoonta guud ahaan hay’adda garsoorka JSL.

 

 

 

Leave a Reply