Nolosha Lamaanaha Wanaagsan

0
905

Markii uu quraacday ee uu dharka xidhay ayuu shaqada u baxayay, waxa uu galay Qolkiisa
akhriska waxa uu ahaa mid aad u boodh badan oo shaashada TV-ga ay qarsomtay, waxaana uu
kaga tegay muftaaxyadii xafiiskiisa. Gabadhiisa ayuu ka codsaday inay qolka uga soo saarto
muftaaxyada oo ugu keento xafiiskiisa.

Markii ay qolka gashay ayay ku aragtay shaashadii TV-ga ee boodhka lahayd qoraalkan “ Niyad
iyo Kalgacal badan ayaan u hayaa Xaaskayga”. Way khriday weedhihiisa, waana ay fahantay
ujeedada oo ah baraarujin dhinaca nadaafadda ah.

Muftaaxii ayay u qaaday waxaana ay u
raacisay fariinta ah: “ Way isoo gaadhay
fariintaadu, waana aan ku dadaali
doonaa nadaafadda, waxaan ku hayaa
kalgacal badan”.
Sidaasi ayuu ninkaa caaqilka ahi u
saxaa xaaskiisa haddii uu khalad ku
arko isagoon niyadeeda waxba yeelin.
Dhaqanka wanaagsan abuur oo masax
dhaqanka xun.

Leave a Reply