Golaha Guurtida oo Qaylo-dhaan ka soo Saaray Abaaraha Dalka

0
339

Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dood iyo falanqeyn
ka yeeshay abaaraha baahsan ee dalka ka jira. Sidoo kale, waxa ay baaq qaylo dhaan ah ka direen arrintaasi, iyaga
oo xukuumadda ugu baaqay in si deg deg ah loogu gurmado dadka biyo la’aantu hayso.
Xildhibaan Axmed Quule, oo ka mida mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa xukuumadda u soo jeediyay
in dawladda Taiwan ay ka codsato qodista lix Riig oo biyo la’aanta lagaga raysto. Dhanka kale xildhibaan Axmed
Dirir Cali, ayaa ku taliyay in dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo Somaliland ay iskaashi dhaw ka yeeshaan ka
hortagga aafooyinka abaaraha.
Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo furay fadhiga golahaasi ayaa
mudanayaasha ku wargeliyay in ay ka doodaan ajandaha 77 farqadiisa abaaraha. Xildhibaan Axmed Dirir Cali, ayaa
soo jeediyay in dawladd degaanka Soomaalida iyo Somaliland ay iskaashi dhaw ka yeeshaan sidii abaarta looga
hortagi lahaa.“Sannad kasta waa ay ina soo martaa abaartu, wax diyaar garow ahna kama sameyno, marka ay
dhacdo waxa aynu nidhaahnaa abaarba jirta, ee ha la isu gurmado.
Waxaan soo jeedinayaa, in loo sameeyo abaaraha u diyaar garowgooda wasaarad u gaar ah, marka abaaruhu
haddii ay ka dhacaan dawladd degaanka Soomaalida iyo haddii ay Somaliland ka dhacaan labaduba saameyn ayay
isku leeyihiin, sababta oo ah dawladdaha uunba kala duwan ee dhulku waa isku dhul dadkuna waa isku dad,
haddaba Somaliland iyo dawlad degaanku iskaashi dhaw haka yeeshaan ka hortaga aafooyinka abaaraha.”
Xildhibaan Cumar Nuur Waaye, ayaa si weyn uga dayriyay xaalada abaareed ee ku habsatay dadka iyo duunyada
reer guuraga ah waxaanu yidhi “Shir-guddoonka waxa aan leeyahay fadhiga ka kaca oo madaxweynaha iyo
wasaaraddaha waa in la sameeyaa guddi Qaran, sidii dadka abaartu saameysay wax loogu helilahaa.

Dadkii xaalad adag ayay ku jiraan, waxa jira biyo la’aan adag oo Gu’ iyo Dayr midna aanay dadka weelkii biyaha
waxba u galin, iyaduna waxa ay noqotay wax adag, waxaan soo jeedinayaa qasnadda dalwadda ha la furo, dhibaato
adag oo abaareed ayaa dadka xoola dhaqatada ah ee reer guuraga ku habsatay”
Xildhibaan Cabdiraxmaan Xasan Shaadh, ayaa mudanayaasha golaha guurtida ka codsaday inay lacag isaga jaraan
dadka abaaruhu saameeyeen, kana qayb qaataan gurmada dadkaasi loo samaynayo. “Waxa aan leeyahay mar
haddii aynu odayaal nahay muddo badana aynu fadhinay dadkuna ina eegayay, in dhaqaalaha maanta aynu inagu
bilowno, wax kastaba ha noqotee, bil ha noqoto, laba ha noqoto, innagu aynu bilowno dhaqaalihii dadka abaartu
hayso gurmad loogu sameylaha”
Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye, ayaa xukuumadda Somaliland iyo mudanayaasha golaha guurtida ku adkeeyay in
aan la dhayalsan abaarta baahsan ee ka jirta dalka bari iyo galbeedba. “Mashaakilka koowaad ee haysta dadka
xoolo-dhaqatada ah ee abaartu saameysay waa biyo la’aan.
Riigaga biyaha ee laga cabbo waxa ugu biyo badan ka degaanka Bali-dumar dushiisa ah, maalin walba ilaa 600 qof
waa ay dul taagan yihiin, waxa ka sokeeya laba habeen iyo saddex habeen ayaa la dul fadhiyaa, horta biyo la’aantu
halka ay maraysaa waa halkaasi, barkadihiina biyo kuma jiraan, baadkiina markii la isku soo guuray faro baas ayaa
lagu hayaa.
Abaartu meel adag ayay maraysa ee wax yar oo fudud yaan loo qaadanin, haddii aynu inagu dhaqaale iska ururin
lahayn iyo haddii aynu dawladda guubaabin lahaynba arrintu aad ayay u adag tahay, waliba sidaasi ayaa marti la
innoogu yahay oo aynaan kaligeen ahayn”
“Dawladda Taiwan aynu ka codsanno in ay ceelal inoo qoddo oo midkiiba 2 boqol oo mitir hoos u qodan yahay, bal si
biyo la’aanta aynu uga baxno” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Quule.
Doodan mudanayaasha ayaa ku soo beegmaysa xilli qaar ka mida gobollada bariga iyo galbeedka Somaliland ay ka
jirto abaar baahsan.

 

Leave a Reply