Shaqaalaha Baanka Dhexe oo Lagu Tababaray Dhaqaalaha Casriga ah

0
688

Gudoomiyaha Baanka Dhexe JSL Eng Cali Cabdillahi Daahir ayaa kula dardaarmay shaqaalaha
Baanka dhexe inay kobciyaan aqoontooda, si ay u gutaan waajibaadka bulshada iyo Qaranka Somaliland ka sugayo.
Tababarkan oo laba maalmood soconaya ayaa la sheegay inuu ku saabsan yahay shaqooyinka Aasaasiga ee
Baanka Dhexe JSL oo hadalo ka jeediyeen Agaasimaha Cududda Shaqaalaha Baanka Dhexe Marwo Khadra Da’ud
Maxamed, Agaasimaha Siyaasada Lacagta, Maxamed Claahi Cali, iyo khabiirka tababarka bixinayey Dr Adan
Ismaacil Xasan ayaa dhamaantood sharaxaad ka bixiyey muhiimada tababarka, kulana dardaamay shaqaalaha
qaadanaya inay aqoonta ay korodhsadaan ku dabakhaan waajibaadka ay bulshada u hayaan.
Gudoomiyaha Baanka Dhexe Eng Cali oo hadal ka jeediyey tababar aqoon-korodhsi laba maalmood ah oo loo
qabtay shaqaalaha Baanka Dhexe ayaa la sheegay inuu fulinayo Dr Adan, khabiir ku takhasusay aqoonta
Dhaqaalaha, ayuu sheegay inay farxad u tahay ka soo qeybgalkiisa, isla markaana, sheegay in ujeedadada
tababarku yahay sidii shaqaalahu muraajico ugu samayn lahaayeen aqoontooda.
“Labada maalmood ee tababarka waxaan rajeynayaa inaad ka faa’iideysan doontaan, idinkoo shaqadii gacanta ku
haya, waa inaad xog-ogogaal u noqotaan aqoonta maalin walba soo baxda.”

Eng Cali ayaa sheegay in waxqabadka qofku ku xidhan tahay hadba intuu tababar helo, weliba dhinaca aqoonta iyo
xiisahaaga shaqada qofka ayuu dhisayaan tababarku, isagoo raaciyey,
“Sannadka cusub waxaan rajeynayaa inaan shaqaalaha u diyaarino tababaro badan oo aqoontooda lagu dhiso, si
shaqadii ay Qaranka u hayseen sida ugu haboon u qabataan.”

Leave a Reply