Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Deegaan Somaliland Oo Furray Wejigii Saddexaad Ee Mashruuca PROSCAL

0
271

Qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaan iyo Isbedelka Cimilada Somaliland C/kariin Aadan Cadde, oo 12-kii bishan December magaaladda Hargaysa ka furray iswaydaarsi ku saabsan mashruuca (PROSCAL) oo muddooyinkan ba ay wasaaradu waday.

Barnaamijkaasi oo afartii sanadood ee la soo dhaafay ka socday waddanka ayaa ah mid looga gol leeyahay sidii loo yarayn lahaa isticmaalka Dhuxusha, isla markaana loo heli lahaa wixii ay bulshadu ku bedelan lahayd isticmaalka Dhuxusha.

Waxaana mashruuca PROSCAL iska kaashaday wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland iyo haayada UNPD, iyadoona mashruucaasi uu maalgeliyay ururka Midowga Yurub.

Barnaamijkani ayaa loogu tallo galay in ay ka faa’iideystaan dad danyar ah ee ku dhaqan guud ahaan gobolada Somliland oo dhan, kuwaas oo dhaqaale ka helay barmaamijkan la yidhaahdo Proscol.

Sida aqoon iswaydaarsigani iyo weliiba xogo hore loo soo ururiyey ay cadeeyeen bulsho badan ayaa ka  faa’iidaystay mashruucani, kuwaasoo kaga soo guurray ama ku bedelay isticmaalkii Dhuxusha.

Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda ee Somaliland C/kariin Aadan Cade, oo hadal ka jeediyay furitaanka mashruucaasi ayaa ka warbixiyay mudadda uu barnaamijkaasi soo socday iyo waxyaabaha ay bulshadu ka faa’iiday.

Waxaanu yidhi, “Mashruucani, waa mashruuc balaadhan, waana kii labaad oo la qabto muddo bil gudaheed ah. Mashruucani PROSCAL wuxuu soconayay muddo saddex sanadood ah, wejigiisii saddexaad ayaanan imika ku jirnaa. Waana mashruuc balaadhan, oo ay ka wada shaqaynayaan wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland iyo haayadda UNDP oo iyadu maalgelisay. Anagoo aad iyo aad ugu mahad naqayna ururka midawga Yurub, oo isna nagala shaqeeya mashruucani”.

Agaasime C/kariin Aadan Cadde, waxa kaloo uu sheegay in ilaa iyo hadda lagu guulaystay shaqooyin badan oo mashruucani ku guddo jira, kuwaasoo ay ka mid tahay in la qaybiyay ilaa 14200 oo Shoolahadaha cuntadda lagu karsado ah, ama Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxisaya ah.

Sidoo kalena in ilaa shan cusbitaal oo waaweyn oo ku yaalla shanta gobol  ee waaweyn ee dalka in lagu rakibay Sollar-ta Qoraxda dabka lagaga dhaliyo, si loo yareeyo isticmaalkii Mishiinadda shiidaalka ku shaqeeya.

“Ilaa iyo hadda waxaa lagu guulaystay shaqooyin badan oo mashruucani ku guddo jira. Waxaana la qaybiyay ilaa 14200 oo Shoolahadaha cuntadda lagu karsado ah, ama Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxisaya ah. Ilaa shan cusbitaal oo waaweyn, oo shanta gobol  ee waaweyn, ee dalka ka kooban, waxaa lagu rakibay Sollar, Qoraxda dabka lagaga dhaliyo, oo lagu guulaystay, si wanaagsan na u shaqaynaysa.

Tababaro badan oo is daba jooga ayaa mashruucani gudihiisa lagu bixiyay. LPG-yada ila 6500 qiyaastii ayaa la bixiyay” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland.

Geesta kale C/kariin Aadan Cadde, ayaa ka warbixiyay u jeedadda ugu muhiimsan ee laga leeyahay mashruucani iyo waxyaabaha laga faa’iiday tan iyo mudaddii uu socday, waxaanu yidhi “U jeedadda ugu weyn ee mashruucani waxa weeye, sidii loo yarayn lahaa isticmaalka Dhuxusha. Mushkiladda ugu weyn ee maanta ina haysata, horena aan uga hadalnay, mar kastana wasaaradu aad iyo aad uga hadashaa waxa weeyaan, hantidii qaranku lahaa, oo ah dhirtii runtii aad iyo aad baa loo dabar-goynayaa. Dagaal ba’an ayaana ku socda.

Markaa mashruucani wuxuu qayb ka yahay, la dagaalanka xaalufka iyo jarista dhirta, iyo hoos u dhigista istcimaalka Dhuxusha. Waxa kaloo aynu ka faa’iidnay oo ku guddo jirra mashruucani, wacyi-gelin farro badan oo deegaanka ilaalintiisa ku saabsan, oo aad iyo aad muhiimad ugu ah qaranka oo dhan. Waxa kaloo ku jirra tababarro ama cid kastoo ku shaqo leh la dagaalanka deegaanka ha noqoto, ka hor tagiisa, ama wasaaradda gudaheedaba ha noqotee, tababaro farra badan baa la bixiyay”.

Ugu danbayn, agaasimaha guud ayaa rejeeyay in balaadhin ama dheerayn lagu sameeyo wakhtiga uu soconayo mashruucani, maadaama oo la arkay faa’iidadiisa. “Waxaan rejaynaynaa in balaadhin ama dheerayn lagu sameeyo mashruucani, maadaama oo aan faa’iidadiisa aragnay.

Dhamaanteenna qayb (stakeholders) ayaynu ka nahay, waxaanan halkan u joognaa, in aynu mashruucani ka midho dhalinno, inagoo Gacmaha is wada haysana na qaranka aynu ugu wada shaqayno sidii loo ilaalin lahaa deegaanka” ayuu yidhi C/kariin Aadan Cadde.

Leave a Reply