Waqtiga ay Barcelona Dhamaystiri Karto Saxeexa Cavani oo la Ogaaday

0
467

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay la kulmi doonto madaxda Manchester United maalmaha soo socda si ay ugala hadlaan heshiiska Edinson Cavani.

Kooxda reer Spain ayaa la fahansan yahay in ay Cavani u aqoonsatay badalka Sergio Aguero kaasoo todobaadkan ka fadhiistay ciyaaraha kubada cagta kadib xanuunka Dhanka wadnaha ah ku jira.

Wararka ayaa sheegaya in ay Barcelona haatanba la xidhiidhay xiddiga 34 jirka ah kaas oo aqbalay dalabkii ay Barcelona u soo bandhigtay.

Wararka ayaa sheegaya inay kooxda Barcelona maalmaha soo socda dhamaystiri doonto heshiiska ay ku doonayso xiddiga Cavani kaasoo haatan ka soo kabanaya dhaawac cidhibta ah.

Leave a Reply