Laascaanood: Wiil soo Kordhiyay Nooc Adeeg Bixin oo Cusub

0
284

Saleebaan Yuusuf Cabdi, oo ah wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa hal abuuray shaqo ku cusub magaaladaasi. Wiilkan ayaa sameeyay adeegga Leebaajada wareegta, taasi oo uu ku maydho qaybaha gaadiidka kala duwan ee magaaladaasi.

Wiilkan oo la hadlay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in adeeggan leebaajada wareegta ay isaga iyo laba wiil oo kale kale soo baxaan yoomka iyo quuyal daruurigooda maalinlaha ah. Sidoo kale waxaa uu dhallinyarada ku boorriyay in ay fadhiga ka kacaan oo ay shaqeystaan, isaga oo tilmaamay in aan xaglo laaban xoolo ku iman.

Dhanka kale waxaa qaar ka mida macaamiisha uu sida maalin laha ah ugu adeego ayaa ku ammaanay Saleebaan iyo saaxiibadiisa kale adeeg bixinta maydhista gaadiidka ee ay soo kordhiyeen.

Saleebaan oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aan ahay xirfadle ku shaqeynta maydhista baabuurta noocyadooda kala duwan, aniga oo adeegsada Mushiin aan dhabarka ku sido amase Leebaajada Wareegta.

Babuurta yar yar baanu ku maydhnaa, meel kasta waannu tagaa, xirfaddan ayaan kala soo baxa nolol maalmeedkayga. Saddex nin baannu nahay, lacag wacan baannu ka helnaa, Insha ALLAAH waxa aannu sameynayna intaa iyo in ka badan. Meel kasta oo qofku joogana waanu ugu tagaynaa oo hawsha waanu u qabanaynaa.”

Sidoo kale waxaa uu dhallinyarada ku boorriyay in ay fadhiga ka kacaan, oo ay shaqeystaan, waxaanu yidhi “Markaan arkay dhalinyaraddi oo aan wax shaqo ah haynin, ayaan ku dhiiraday in aan isku dayo hirgalinta shaqo bulshada kale aanay ku baraarugsanayn oo ah, sameynta Leebaajada Wareegta ee maydhista baabuurta, waanan ku guulaystay.

Leave a Reply