Shirka Qiimaynta Teknolajiyada Dawladda oo la Daah-furay

0
336

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland mudawe Dr. Cabdiwali Cabdillaahi Suufi iyo Agaaasimaha Guud ee wasaaraddaasi Yuusuf Warsame Xasan, ayaa daah-furay kulanka sannadlaha ah ee ee wiimaynta Teknolajiyada Dawalada.

Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyadda ayaa soo agaasintay kulanka sannadlaha ah ee Qiimaynta Teknoolojiyadda Dawladda, Kulankaasi oo ay ka soo qayb galeen dhammaan Agaasime waaxeedyada waaxaha ICT-ga ee laamaha dawladda, kulankaasi oo lagu falanqaynayey sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha jira iyo waxyaabihii u qabsoomay sannadka 2021, Iyadoo diiradana lagu saarayey sidii loo diyaarin lahaa qorshaha sannadka cusub ee 2022.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland mudawe Dr. Cabdiwali Cabdillaahi Suufi ayaa ka warbixiyay muhuumadda kulankan sannadlaha ahi u leeyahay qaranka, waxaanu ka qayb-galayaasha kula dardaarmay la wajaho diyaarinta qorshaha sannadka cusub ee 2022, waxaanu yidhi “Waxaynu halkan ku furaynaa shirkii sannadlaha ahaa ee qiimaynta Tiknoolajiyadda dawladda, qaas oo aynu isagaga waraysanayo halka ay marayso ICT-ga dawladdu. waxaad tihiin halbowlihii iyo mishiinkii dhaqaajinayay adeegyada ay dawladdu u fidiso bulshada, aad ayaanan ugu faraxsanahay in aynu halkan isugu nimaadno.

Ujeedada shirkanina waxa weeye, inaga oo ku jirnta sannadka 2021 dhammaadkiisi, bal in aynu qiimayno waxyaabaha hirgalay, waxyaabaha qorshaysnaa iyo caqabadaha ka horyimid. Shirku waa inoo furan yahay waana mid aynu aqoon isku waydaarsanayno isla markaana aynu ka soo saarayno go’aan midaysan.”

Agaaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland Yuusuf Warsame Xasan ayaa isaguna kulankaasi hadal kooban ka jeediyay waxaanu yidhi “Shirkan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolayidda oo ah mid sannadle ah, waxaanu ku saabsanyahay is-xog-waysi ku aadan waaxyaha IT-ga ee laamaha dawladda, si aynu u qiimayno waxyaabaha inoo qabsoomay, caqabadaha ay la kulmeen, xalkii lagu maarayn lahaa iyo waxyaabihii aynu soo kordhinay.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply